‘’Dowladda Soomaaliya Waxaa ka Go’an in ay dhisto Maamulka Hiiraan & Shabeelada dhexe,.’’ Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya
Muqidsho,22Dec,2015(QJ/SDN)-Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/raxmaan Maxamed Xuseen [Odawaa] ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay dhameystirka dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, isagoo xusay in 90-cisho gudahood lagu dhameystirayo dhismaha maamulka labadan gobol.
Odawaa oo ka mid ah wafdi uu hoggaaminayo madaxweynaha DF Soomaaliya ee ku sugan magaalada Beledweyn ayaa ugu baaqay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolladaas inay kala shaqeeyaan, sidii maamulkaas salka loogu dhigi lahaa.
“Dowladda Federaalka Somalia waxaa ka go’an sidii loo xoojin lahaa dhismaha maamulka gobollada Hiiraan & Shabeellaha dhexe, sidaas awgeedna waxaan ka codsanayaa shacabka labada gobol inay nagala shaqeeyaan sidii maamulka labada gobol loo dhisi lahaa iyo inay isku diyaariyaan sidii madaxweynaha u soo dooran lahaayeen,” ayuu yiri Odawaa.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa wuxuu kaloo sheegay in dadaalada socda ay qayb ka yihiin sidii shacabka labada gobol loo heshiisiin lahaa, isagoo ugu baaqay odayaasha, nabad-doonada iyo waxgarad inay door ka qaataan dib u heshiisiinta.
Dhanka kale, Wareegto maalin ka hor uu soo saaray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud ayaa dhawaan waxaa lagu shaaciyay in magaalada Jowhar ay marti-gelineyso; halka caasimadda ay noqonayso Buulo-burte.
Ugu dambeyn, waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa si weyn uga soo horjeestay in shirka lagu dhisayo maamulka labada gobol lagu qabto Jowhar, iyagoo sheegay in go’aankaas uu ahaa mid uu madaxweynuhu si iskiis ah u qaato.
Hiiraan