|

Dowladda Soomaaliya Oo Shaqaalaheeda Mushahar dhimis ku sammeynaysa.

Muqdisho,21july,2015(QJ/SDN)-Kulan ay Axaddii lasoo dhaafay ay yeesheen Golaha Wasiirrada XFS oo uu ka qaybgalay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa lagu Go’aamiyay in la dhimo mushaaraadka iyo waliba Qarashaadka ku baxa dowladda si looga soo kabsado hoos u dhaca ku yimid Miisaaniyadda dalka.

 

Wasiir-u-dowlaha Maaliyada Somalia, C/llaahi Maxamed Nuur ayaa Warbaahinta uga war-bixiyay sida loo dhimayo Mushaaraadka Madaxda iyo Shaqaalaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Sidoo kale, Wasiir u dowlaha ayaa sheegay in dakhliga kasoo xarooda gudaha uu kordhay 30%, haddana wali aanu dabooli karin baahida dowladda Maadaamaa lacagtii laga filayay Beesha Caalamka aanan la helin 6-bilood ee lasoo dhaafay, isagoo xusay inaan wax rajo ah laga qabin 6-bil ee soo socota in la helo, taas awgeedna ay Dowladda ku Qasbanaatay inay isku fileysiiso Dakhliga kasoo gala Gudaha Dalka.

 

“Sida uu qabo Sharciga Maaliyadda dalka, Lix bilood oo walba waa in dib u eegis lagu sameeyaa dhaqaalaha iyo miisaaniyadda dalka, kaddibna la Waafajiyaa hadba sida ay wax yihiin, sidaasi darteedna Wasiirka wuxuu Sheegay in kaddib cilmi-baadhis la sameeyey in Golaha Wasiirrada la horgeeyey hindise cad oo wax looga badalayo Miisaaniyadda dalka,” ayuu yidhi wasiir u dowlaha Maaliyadda.

 

Nuur ayaa wuxuu hadalkisa ku daray. “Shaqaalaha dowladda lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxay qaateen 30% Mushaarkii u qornaa, 6-bilood ee soo socota waxay qaadan doonaan 75% Mushaarka u qoran, boqolkiiba 25% ayaana laga jarayaa.”

 

C/llaahi Nuur ayaa intaas ku daray in ciidamadu aanay ku jirin kuwa mushaaraadkooda la dhimayo. Balse madaxda dalka iyo shaqaalaha oo keliya laga dhimayo mushaaraadka, kuwaasoo ay ku jiraan wasiirrada xukuumadda iyo xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

“Mushaar dhimista waxay ku saleysan tahay habka boqoleyda ah, tusaale ahaan xafiisyada Madaxda sare ee dalka, sida Madaxtooyada, Golaha Shacabka oo Guddoomiyaha uu ugu horreeyo iyo Golaha Xukuumadda oo uu RW-hu ugu horreeyo, dhammaan waxaa lagu saleeyey si wadajir ah in sahaydii safarada iyo Qarashka ku baxa shaqada la Qabanayo laga jaro 30% iyo in 18% laga jaro Mushaaraadkooda,” ayuu mar kale yidhi wasiir u dowlaha Maaliyadda Somalia.

 

Wasiirka oo wax laga Weydiiyay eedeymo ah inay jirto Wax is-dabamarin iyo hufnaan la’aan ayaa sheegey in Wasaaradda ay Xaqiijisay in Shilin kasta oo Canshuur ahaan ugu soo dhaca Qasnadda Dowladda Somalia uu gaaro halkii loogu talo-galay, isla markaasina Maamulka Maaliyadda Somalia uu yahay mid nadiif ka ah musuqmaasuq iyo wax is-dabamarin.

 

Sidoo kale, wuxuu tusaale u soo qaatay in Wasaaradda Maaliyadda oo kale ay shaqaale ka yihiin 500-qof, balse saddex ka mid ah lagu heley wax is-dabamarin, kuwaasna Sharciga lala tiigsaday. “Horay waa u dhacday, waanan ka dabo tagnay, saddex dacwad oo arrintan la xiriirta, xitaa ma oran karno waa xatooyo, balse waa isku-day, markaan tusaale u soo qaatana waxay sameeyeen buugaag been-abuur ah ee kuwa lacagta lagu qaato ah, midkii ugu horreeyay wuxuu lunsaday lacag dhn 50$ doollar oo keliya, Wuxuuna xirnaa 7 bilood, kan xiga wuxuu lunsaday  45$ doollar, isna wuxuu xirnaa saddex bilood, ruuxa kalena weli baaris ayaa ku socota.”

 

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa xusay in Qorshahan ay Ansixiyeen Golaha Wasiiradda lana horeyn doono Baarlamaanka si uu u Ansixiyo, kaddibna ay Wasaaradda Maaliyaddu XFS dhaqan-gelin doonto.

 

Si kastaba ha ahaatee, Shaqaalaha Dowladda Somalia oo ay ku jiraan Ciidamada Qalabka sida ayaan wax mushaaraad ah qaadan muddo afar bilood ah, iyada oo dowladda bishan ay billowday bixita mushaaraadkii hore, kuwasoo min hal bil ah.

 

Comments are closed