|

Dowladda Soomaaliya Oo Magaalada Muqdisho Ku Qab-qabatay Dad La Sheegay Inay Madhabta Shiicada Faafinayeen

Muqdisho,28Dec,2015(QJ/SDN)-Hay’adda Nabadsugida Qaranka ayaa warbixin ay soo saartay maanta (Shalay) kaga hadashay howlgallo ay ka sameysay Muqdisho oo lagu soo qabtay dad ay sheegtay inay faafinayeen madhabta Shiicada ee Diinta Islaamka.

Qoraalka NISA ayaa lagu yidhi: Howlgal ay sameeyeen ciidanka NISA ee gobolka Banaadir ayay kusoo qabteen dad sameynayay barnmaamij shiiceyn ah oo isugu jiray Iiraaniyiin iyo Somali, ayaa lagu yidhi warbixin ay soo saartay maanta hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Warbixinta hay’adda ayaa lagu xusay inay ku daba-jireen arrintan muddo dheer, kaddibna ay ku guuleysatay inay soo qabtaan dadkii ku lug lahaa barnaamijkaas oo Muqdisho laga fuliyay.

NISA ayaa waxay warbixinteeda ku xustay in  barnaamijkaan shiiceynta uu ku yahay khatar weyn degenaanshaha nabadda iyo caqiidada ummadda Soomaaliya iyo waddankaba.

“Barnaamijkan waxaa fulinaysay hay’adda Al-khumeyni; iyadoo ku gambanaysa isku guurinta wiilal iyo gabdho, kuwaasoo ay muddo gacanta ku hayeen, iyadoo barnaamijka shiiceyntana ay ula-jeeddadiisu tahay fidneynta ummadda Somalia ee sunniga ah,” ayaa lagu yidhi warbixinta hay’adda NISA.

FAAHFAAHIN:

 

Magaca Mashruuca: sida ay sheegteen waa Xafladda dhalashada Nebiga (SCW), bixinta hadiyad iyo dadka is-guursanayo iyo caawinta ciyaaraha. – Waxaa fulisay mashruucaan hay’adda gargaarka ee Al-imaamu Al-Khumeyni ee safaaradda Iiraan raacsan.

shiico

Mas’uuliyiinta Iiraanta ah; 1. Muxsin Xuseen, 2. Ruuxu-allaah Qulaam Muxsin, kuwaas oo sheegtay inay ka socdaan safaaradda Iiraan ee Muqdisho, baadhis kaddibna ay caddaatay in raggan aysan ahayn dublamaasiyiin.

Hay’adda Al-khumayni waxay ka fakar ka dhigtay munaasabadda bisha Mowliid iyo guur-wadareedka ay isugu guurinayso wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.

GABO-GABO:

Barnaamijka shiicaynta oo ciidamada Sirdoonka ay muddo dheer ku daba-jireen waxaan ogaannay in dad Soomaaliyeed la shiiceeyay; kuwaasoo laga bedelay madhabkii sunniga ahaa ee shaaficiga ah oo loo bedelay Shiico, kaasoo khatar ku ah jiritaanka caqiidada suuban iyo sugnaanshaha amniga.

Waxaa kaloo ka mid ah barnaamijkan dad dhallinyaro ah inay u qaadaan Iiraan, waxayna isugu jiraan dhallinyaro iyo NGO, kuwaasoo lagu soo shubayo afkaarta shiicada looga gol-leeyahay marka ay waddanka kusoo noqdaan inay faafiyaan Shiicada.

Dhanka kale, warbixinta NISA ayaa lagu xusay in inay bixiyaan Deeq Waxbarasho oo ah heer jaamacadeed ah, kuwaasoo ay ka qaadaan Jaamacadaha sida gaarka ah loo leeyahay. Waxaa jira dad mas’uuliyiin ah oo ka tirsan dowladda oo xidhiidh wada shaqeyn ah la leh.

Raggan fulinayay barnaamijka Shiiceynaya waa ilaalada gaarka ah ee Towradda dalka Iiraan. Sidoo kale waxaa jira howlgallo ay ka sameeyaan Goballada Dhexe iyo Magaalada Qardho ee Puntland.

Ugu dambeyn, NISA ayaa xustay in danjiraha safaaradda Iiraan ay Muqdisho ku leedahay wuxuu si dhuumasho ah ku tagaa degmooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo aan la sheegin howsha uu qabto.

Xigasho: Hiiraan

 

Comments are closed