Dowladda Soomaaliya Oo Dalkeeda Ka Saaraysa Hay’adda Turkish Nile Academy
Muqdisho,17,7,2016 (QJ/SDN) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo isugu yimid shir aan caadi ahayn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxaa ay si xoogleh u canbaareeyeen Afganbigii dhicisoobay ee la rabay in lagu kala dhantaalo Horumarka iyo Dumaquraadiyadda ay gaadheen dalka iyo dadka Turkiya.
Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay tacsiyadeysay dadkii ay dhibaatadu kasoo gaadhay af-gembigii dhicisoobay ee Turkiga.
Haddaba shirkaasi kaddib xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya waxay isku raaceen qodobada soo socda iyadoo la tix gelinayo codsiga Dawlada Turkiya:
- Inla joojiyo adeegyadii ay bixin jirtay Nile Academy ee Dugsiyada, Isbitaalada iyo wixii kale oo hoosyimaada.
- In howl wadeenada Nile Academy ay mudo 7 cisho gudaheed ah dalka uga baxaan oo ka bilaabaneysa 17 July 2016.
- Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya waxay si wada jir ah u balan qaadayaan in adeegyadii caafimaad iyo waxbarasho ee ay bixin jirtay Hay’adaasi sidoodii u socon doonaan. Maamul cusub na loo yeeli doono.
Hay’ada Nile Academy ee dalka Soomaaliya laga mamnuucayo ayaa waxaa iska leh Wadaad Mucaarad ku ah dalka Turkiga laguna eedeeyay in uu ku lug lahaa Afgambigii Fashilmay, waxaana goobaha Nile Academy maamusho kamid ah xarumo waxbarasho iyo goobo caafimaad uu ku jiro Isbitaalka Deva ee Muqdisho.
Dhanka kale, Hay’adda Nile Academy ayaa waxa kale oo ay ka hawl-gashaa magaaladaa Hargeysa ee Somaliland, iyadoona illaa hadda aanay jirin wax war ah oo ay dowladda Somaliland kasoo saartay Hay’addani.
Si kastaba ha ahaatee, Af-gembihii dhicisoobay ee dalka Turkiga ayaa waxa si wayn looga dareemay guud ahaanba Soomaaliya, iyadoo shacabka magaalaa Muqdisho ay maanta iskugu soo baxeen dibad-bax ay ku taageerayaan madaxweynaha dalka Turkiga.