|

Dowladda Somaliland Oo Xukun Qisaas Dil Ah Ku Fulisay Dad Horay Dilal U Gaystay

Hargeysa,11Jan,2016(QJ/SDN)-Dowladda Somaliland ayaa xukun dil qisaas ah ku fulisay tiro dad ah horay u gaystay dilal kala duwan.

Xukunkan dilka qisaasta ah ayaa waxa uu ka dhacay goobo kala duwan, iyadoona goobahaasi lagu kala sheegay Mandheera, Dararweyne iyo Boorama.

Inkastoo aanay dowladda Somaliland ka hadlin dadkan dilalka qisaasta ah lagu filayay isla markaana aanay shaacin, haddana ehelada dadka la dilay ayaa waxay qaarkood noo xaqiijiyeen in xukunkaas dilka qisaasta ahi uu saaka aroortii hore dhacay.

Tirada dadka xukunkan dilka qisaasta ah lagu fuliyay ayaan illaa hadda si rasmi ah aan loo ogayn, balse wararka qaar ayaa sheegaya in tirada dadka xukunka qisaasta ah lagu fuliyay ay yihiin Lix ruux.

Gacan ku dhiiglayaasha xukunnada dilalka qisaasta ah lagu fuliyay ayaa waxa ka mid ahaa;

Askarigii dilay Taliyihii ciidamada Birmadka Somaliland Aadan Guuleed Daahir (Tallaabo) AHUN.

Askarigii dilay Mujaahid Cabdi Cismaan Cali (Cabdi Maano) AHUN.

Nin Darawal ahaa oo dhawaan suuqa magaalada Hargeysa gaadhi ku jiidhsiiyay Askari Taraafik ahaa.

Xukunka noocan oo kale ah ayaa noqonnaya markii labaad oo ay xukuumadda haatan talada haysaa ee Somaliland fuliso, waxaana la filayaa in tallaabadani ay qayb wayn ka qaadan doonto ammaanka dalka.

Ugu danbeyntii, Somaliland ayaa ah dal dadkiisu 100% ay muslimiin sunni ah yihiin, iyadoona shacabka Somaliland ay dowladdooda horayba dhowr jeer uga codsadeen inay fuliso xukunnada noocan oo kale ah.

Si kastaba ha ahaatee, Diinteenna islaamka ee suubban ayaa inna faraysa in qofkii qof si badheedh ah u dila loo dilo.

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland

Comments are closed