Dowladda Somaliland Oo Xil U Magacawday Nin Xaaskiisa Dilay Kadibna Gubay iyo Walaalkeed Oo Ballan Ku Qaaday Haddii Aan Xilka Laga Qaadin Inuu Dilayo Ninkaasi DAAWO
Hargeysa,22Dec,015(QJ/SDN)-Rashiid Ciise Gaboobe, oo ah siyaasi ka tirsan xisbiga KULIMIYE laantiisa dalka UK ayaa ka hadlay sarkaal ay dowladda Somaliland dallacsiisay kaas oo uu sheegay in uu sarkaalkaasi dilay walaashii oo ninkaas xaaskiisa ahayd.
Mudane Rashiid ayaa sheegay in haddii dowladda Somaliland ay muddo afar todobaad ah ninkaas xilka uga qaadi weydo uu dili doonno isla markaa uu ugu aari doonno walaashii oo uu sheegay in uu tooray ku dilay ka dibna uu gubay.
Rashiid waxa kale oo shacabka Reer Somaliland ka codsaday in ay arrintan wax ka qabtaan, maadaama uu usoo bandhigay shacabkiisa, isagoona sheegay in xukuumadda Somaliland uga hiilisay ninkii walaashii dilay ay tahay arrin lama qaataan ah.
Sidoo kale Rashiid Ciise Gaboobe, ayaa nidar ku maray in aanu ka hadhayn ninka walaashii dilay illaa inta ay caddaaladi ka imanayso, isagoona dowladda Somaliland ugu goodiyay haddii ay ninkaas afarta todobaad ay xilka kaga qaadi weyday in uu dili doonno ninkaasi.