|

Dowladda Somaliland Oo Sheegtay Inay Gacanta Ku Dhigtay Nin Baakistaani Ah Oo Mad-habta Shiicada Faafinaayay DAAWO

Hargeysa,5Jan,2016(QJ/SDN)-Taliyaha Laanta Socdaalka Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (Canbaro), ayaa ka hadlay nin Baakistaani ah oo gudaha dalka Somaliland ku faafinaayay Madhabta shiicada oo ciidamada Laanta Socdaalku gacanta kusoo dhigeen.

Taliye Canbaro ayaa sheegay in ninkani uu ahaa nin ganacsade ah isla markaana ay baadhitaanno ku hayaan ciidamada Somaliland.

‘’Waxaan idinka jaahil saarayaa nin iiraana oo xafiiska laanta socdaalka u socdaa ma jiro, ee uu yahay nin ganacsade ah oo dhalashadiisu tahay Baakistaani ninkaas oo ganacsi ku yimid dalka Somaliland fiisahana uu u qaaday nin Responserka ka ah ka dibna ninkii responserka ka ahaa uu ka baxay markaa dalka aan ku joogin wax kafiila ama responser ka ah, ka dib markii shaqaaqo kale iyo waxyaale kale oo tuhun ay gaysatay, markaa ninku maahan iiraani ee waa Baakistaani waana uu jiraa gacanta socdaalkana wuu ku jiraa baadhitaanbaana ku socda wixii  kazoo baxana resultiga waad naga heli doontaan,..’’ ayuu yidhi taliye Canbaro.

Halkan Hoose K Daawo Warkaasi Oo Faahfaahsan;

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland/Office

Comments are closed