Dowladda Qatar Oo Diidey Qodobadii Xulafada Sacuudiga, Iyo War Ay Xulafadu Soo Saareen
Riyadh 07. July 2017 (SDN/QJ):- Dalalka Carabta ah ee go’doomiyey Qatar ayaa waxaa uu ka biyo diideen jawaabtii ay Qatar ka soo bixisey qodobadii ay hordhigen si ay xayiraada uga qaadaan.
4 dal ee Xulufada Khaliijka oo uu Hogaamiyo Sucuudigu ee Qatar xayiraada saarey ayaa wasiiradooda Arimaha dibada oo Qahira ku kulmey waxaa ay sheegeen in Qatar aysan xal diyaar u aheyn.
Arimaha ay wadamadan Carabta ahi hordhigeen Qatar ayaa waxaa ugu waaweynaa in ay yareyso xiriirka ay Iiran la leedahay iyo sidoo kale in ay gabi ahaanba albaabada isugu dhufato Tv-ga Aljazeera ee dalkasi laga leyahay.
Qatar ayaa iduna arintaas ku tilmaantey mid lagu owdayo xuriyada hadalka iyo nolasha iyadoona intaa ku dartey in ay ka fogtahay midan eedeymihii loo marey markii xayiraada la saareyey ee aheyd in ay Argagaxiso xiriir la leedaay.