|

Dowladda Qadar oo Jawaab Cad ka bixisay Shuruudiidihii lagu Xidhay Iyo Dhamaadka Mudadii Isbahaysiga Sucuudigu Hogaaminayo

Doha 03. July 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Qadar ayaa diiday fulinta shuruudo dhoor ah ay dhawaan ku xireen Dowladaha kusoo rogay xayiraada ay hogaamineyso Boqortooyada Sacuudiga, kuwaa oo dalbaday in Qadar fuliso Shuruudo dhoor ah si looga qaado xayiraada saaran.

Wasiirka arimaha dibadda Qadar Maxamed Bin Cabdiraxmaan Bin Jassim Al Thani ayaa sheegay in dalkiisu aysan aqbaleyn shuruudaha ay ku xireen qaar kamid ah dowladaha Khaliijka Carabta, waxa uuna tilmaamay in diyaar u yihiin wadahadalo aan shuruud ku xirneen.

 

Waxa uu sheegay Wasiirka in dalkiisa diyaar u yahay wadahadal jawi caafimaad qaba lagu kulmo xalna looga gaaro xiisada taagan, waxa uuna shaaca ka qaaday in Qatar aysan marnaba aqbali doonin wax kasta oo qaranimadeeda faro gelin ku ah.

 

Dowlada Sacuudiga iyo Dowladaha kale ee dhawaan xariirka u jaray dalka Qadar xayiraadana kusoo rogay ayaa Qadar hor dhigay shuruudo adag si ay xayiraada uga qaadaan, waxaana waqtiga dowadahaasi u qabteen Qadar in shuruudaha ku meel mariso ay ku egtahay maanta oo Isniin ah.

 

Wasiirka arimaha dibadda ee Qadar ayaa sheegay in dalabaadka loo soo gudbiyey yihiin kuwo albaabada oo dhan ka soo xirtay habkii lagu wada hadli lahaa, waxa keliya ee u bannaanina yahay in ay Qatar ku gacan sayrto shuruudaha lagu xiray.

 

Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al-Jubayr, ayaa mar labaad bartiisa Twitter-ka ku baahiyey liiska arimaha laga dalbaday Qatar ee ay ka mid yihiin in ay joojiso maal gelinta argagixisadu ay yihiin kuwo aan gorgortan geli karin.

 

Xiisada u dhaxeysa Dowlada Qadar iyo qaar kamid ah Wadamada Khaliijka Carabta ayaa u muuqda mid ay adag tahay in xal deg deg ah laga gaaro, waxaana guul dareestay dadaalo ay wadeen qaar kamid ah Wadamada Caalamka.

Comments are closed