|

Dowladda Oo Sheegtay Inaan Lagu Deg Degi Karin Maamul U Sameynta Gobolada Dalka

Muqdisho March 16 2013 (SDN)– Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inaan lagu deg degi karin maamul usameynta Gobalada dalka Soomaaliya xilli Magaalada Kismaayo uu ka socdo shir maamul loogu dhisayo Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Jaamac Axmed Maxamed wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in maamul Gobaleedka iminka la sameeyo uusan waafaqsaneyn sharciga dalka.

Sababta uu ku sheegay in maamul Gobaleed iminka la yagleelo uusan waafaqsaneyn sharciga ayaa wasiirka wuxuu ku tilmaamay in Baarlamaanka dalka Soomaaliya uusan sharciyo kasoo saarin arimaha ku aadan maamul usameynta Gobalada dalka.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada arimaha gudaha iyo ammaanka qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in sharci udajinta habka sameysashada maamul Gobaleedyada dalka kahor inta aysan guda galin Baarlamaanka looga baahan yahay sameynta Guddi arintaasi ka shaqeeya balse iminka taasi aysan muuqan.

Inkastoo Wasaarada arimaha gudaha ay sheegtay in dhisida maamul Gobaleed xilligan uusan aheyn mid sharciga waafaqsan ayaa Magaalada Kismaayo waxaa iminka ka socda shir ujeedkiisa uu yahay dhisida maamulka loogu magacdaray Jubaland.

SDN-Muqdisho

Comments are closed