|

Dowladda oo loogu baaqay in ay wax ka qabato Madaafiicda xiliga habeenkii ah lagu garaaco Muqdisho

Muqdisho Dec 23 2012 (SDN)— Qaar ka tirsan Shacabka ku nool degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley oo la hadlay Warqaad.com Xafiiska Magaalada Muqdisho ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ugu baaqeen in ay ka hortag ku sameyso madaafiic markale xiliga habeenkii ah lagu soo beegsado degmooyinkaasi.

Shacabkani ayaa xusay in dhowr mar madaafiic aan loo meel dayin ay ku soo dheceen degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley taasi oo sababtay qasaaro isugu jira dhimasho iyo Dhaawac, waxayna hay’adaha ammaanka ugu baaqeen in ay ka hortagaan islamar ahaantaana baaritaan ay ku sameeyaan goobaha sida rasmiga ah looga soo tuuro madaafiicda.

Waxa kale oo ay ku dhiiro galiyeen shacabkani laamaha ammaanka in ay si dhaw u la shaqeeyaan shacabka 16-ka degmo ee gobolka banaadir si loo helo wadashaqeyn sugta ammaanka Magaalad Muqdisho ee Casimada Soomaaliya.

Habeen ka hor ayey ahayd markii tiro Madaafiic ah ay ku dheceen Degmooyinka Boondheere iyo Wardhiigley taasi oo geysatay Khasaaro isugu Jira dhimasho iyo dhaawac.

SDN-Muqdisho  

Comments are closed