|

Dowladda Soomaaliya Oo ku Dhawaaqday Guddi Daba-gal ku Samaysa Shilkii Diyaaradeed Ee Maanta Dhacay

ridwaanMuqdisho:9-Aug-2013 (SDN) Xukuumada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday Guddi farsamo oo soo baadha shilkii diyaaradeed ee saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Air Port sababihii keenay shilkaasi.

Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Ridwaan Xaaji Cabdiweli, ayaa sheegay in guddigan xukuumaddu magacowday keeni doonaan xaqiiqada sababta ay   uburburtay diyaaradani oo uu tilmaamay in cilad farsamo ay u burburtay.

Guddigan oo ka koobann 7 xubnood ayaa waxaa Gudoomiye u ah Wasiir- ku-xigeenka Warfaafinta, Boostada iyo isgaadhsiinta C/shakuur Cali Mire, waxaana xubno ka ah Taliyeyaasha Ciidamada, Booliska, Nabadsugida iyo xooga dalka, kuwaasoo kala ah:

1- Cabdishakuur Cali Mire, Wasiir ku-xeenka War. B.I & Gaadiidka, ahna ku-simaha wasiirka – Guddoomiye

2- Cali Maxamuud, Maareeyaha Guud Hay’adda Duulimaada Rayidka & S.H – Xubin

3- Gen. Cabdixakiim Daahir “Saacid”, Taliyaha Ciidankia Booliska Soomaaliyeed – Xubin

4- Gen. Bashir Maxamed Jama, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabsugidda Qaranka – Xubin

5- Gen. Daahir Aadan Cilmi, Taliyaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed – Xubin

6- AMISOM, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)

7- SKA, Wakiil – Xubin (dib laga soo magacaabo)

Dhinaca kale War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Saalax Anaadif ayaa tacsi loogu diray dowladda Itoobiya, shilkii diyaaradeed oo afar ka mid ah shaqaalihii saarnaa ay ku dhinteen.

Mr Anaadif ayaa sheegay in diyaaradan uu dab ka kacay markii ay soo caga dhiganeysay garoonka, isla markaana ay haleeli weyday wadada Run-wayga, taasna ay keentay inay bur burto.

Labo ka mid ah shaqaalihii saarnaa ayaa lagu daaweynayaa Isbitaalka AMISOM, sida lagu sheegay war saxaafadeedka AMISOM ka soo baxay.

Diyaaradaha Itoobiya ayaan ku badneyn inay ka soo degaan garoonka diyaaradaha Muqdisho, hase ahaatee mararka qaar ay keenaan saraakiil ciidan iyo arrimo kale u yimaadaan, waxaana diyaaradan bur burtay lahaa Ciidamada Cirka Itoobiya.

 

Somalidiasporanews.coma

 mugdisho/somaliy

Comments are closed