|

Dowladda Mareyanka oo sheegtay inay baadhayso in Kooxda ISIS ay Haysato Hubka Kiimikada ah

Washington,14Aug,2015(QJ/SDN)- Dowladda Mareykanka ayaa Shaacisay inay Baarayso warka ku saabsan in Kooxda Daacish ay isticmaaleen hub Kiimiko ah, intii lagu guda jiray Weerar ay Toddobaadkan ku qaadeen xoogagga Kurdiyiinta, sida ay sheegeen saraakiil u dhashay dalka Jarmalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga Jarmalka oo tababar siinaysa Kurdiyiinta ayaa sheegtay in 60 ka mid ah xoogagga Peshmerga ay asiibeen dhaawacyo u muuqda inay kasoo gaateen sunta Kiimikada, intii ay la dagalamayeen Daacish, maalintii Arbacada ahyad ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, Afhayeenka Golaha Ammaanka Qaranka ee Aqalka Cad, Alistair Baskey ayaa isna Khamiistii sheegay in xukuumadda Washington ay Raadinayso xog dheeri ah oo ku saabsan weerarka.

“Waxaanu sii wadi doonnaa inaynu tuhunnadan ku saabsan adeegsiga hubka Kiimikada ah aan si dhab ah u qaadanno,” ayuu yidhi Alistair Baskey oo Wariyeyaasha ah kula Hadlayay Magaalada Washington.

Danjiraha dalka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Samantha Power ayaa sheegtay inay Dowladeedu eegeyso eedeymahan. Iyadoo saraakiil ka mid ah Dowladda Mareykanka ay sheegeen inay aad ugu dhawdahay in kooxdan fulisay weerarka hubka Kiimkida ah.

Ugu dambeyn, Sarkaal Mareykan ah oo uu soo Xigtay Wargeyska Wall Street Journal ayaa isna sheegay in Daacish ay adeesgtay Sun Gaas ah oo ay u badan tahay inay kasoo heleen Xukuumadda Suuriya.

Si kastaba ha ahaatee, Kooxda Daacish ayaa muddo Sannado ah Dagaallo Culus ka waday dalalka Ciraaq iyo Suuriya, iyagoo sheegay inay doonayaan inay kusoo rogaan labadaa dal Xukun Islaami ah.

 

Comments are closed