Dowladda Kenya Oo Xidhaysa Hawadeeda Ka Hor Imaanshaha Brack Obama.
Nairobi,23july,2015(QJ/SDN)-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xidheyso hawadeeda booqashada Madaxweynaha Mareykanka uu ku imaanayo dalkaas maalinta jimcaha ee soo socota.
Xidhitaankan Hawada ayaa lagu tilmaamay mid qeyb ka ah sugida ammaanka Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama.
Hawada ayaa la xidhi doonaa muddo 72-saac ka hor imaanshaha Madaxweyne Obama, iyadoo la mamnuucay in aysan wax diyaarad ah ka soo degi karin garoomada diyaaradaha Joma Kenyatta iyo Wilson.
Maamulayaasha duulimaadyada rayidka ee Kenya ayaa sheegay in hawada la xidhayo muddo 50-daqiiqo maalinta jimcaha marka uu ka soo degayo garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta Air Port, sidoo kale maalinta axada ayaa iyana hawada la xidhayaa muddo 40 daqiiqo marka uu Obama u baqoolayo dalka deriska la ah ee Itoobiya.
Shirkadaha duulimaadyada ayaa lagu wargeliyay xidhitaanka hawada mudada saacadaha ku dhow ee ah marka uu imaanayo Obama iyo marka uu aadayo Addis Ababa
Waxaa la ganaaxi doonaa diyaaradii ku duusha wax ka yar 20,000 inta uu Nairobi ku sugan yahay Madaxweyne Obama mudada saddexda maalmood.
Sidoo kale waxaa la mamnuucay in diyaaradaha yar yar inay ka soo degaan garoomada diyaaradaha mudada uu joogo Obama.
Booliska Kenya ayaa soo saaray wargelin ku aadan in wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Nairobi inay xidhnaan doono maalinta jimcaha illaa Axada.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo aabihii uu ka soo jeedo Kenya ayaa ka qeyb geli doona shir looga hadlayo Ganacsiga oo ka dhici doona magaalada Nairobi.
Waxaa uu booqan doonaa meelo ka mid ah kenya, sida deegaankii uu ku dhashay aabihii, waxaa booqashadiisa ku wehliya qoyskiisa.
Diyaarado kuwa qumaatiga u kaca iyo ciidamo gaar ah ayaa ka qeyb qaadan doona sugida amnigiisa inta uu joogo dalka Kenya.
Booqashada Obama ayaa aad looga dareemay magaalada Nairobi, waxaana calanka Mareykanka la sudhay wadooyinka , waxaana booqashadan ay noqoneysaa tii u horeysay ee uu dalkaas ku tago isagoo madaxweyne ah.