|

Dowladda Jabuuti oo looga adkaaday dacwadii Ganacsade Booreh

London — Dacwad socotay muddo lix sanno ah ayuu maanta ugu dambeyn ku guuleystay Ganacsade Cabdiraxmaan Booreh. Isagoo kaga guuleystay dacwada oo ka dhacaysay dalka Ingiriiska dowladda Jabuuti ee u hoggaamiyo Ismaaciil Cumar Geelle.

booreh

Booreh ayaa BBC u sheegay inuu ku faraxsan yahay guusha, isagoo ku tilmaamay mid dhammaan guul u ah Shacabka dulman iyo dadka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Jabuuti.

Mar la weydiiyey inuu doorashada dalka Jabuuti ka qaybgalin ayuu sheegay in doorasho xalaala aysan ka dhacayn halkaas balse ay tahay mid Taliska meesha ka taliya ku shuban sidii caadada u ahayd siduu hadalka u yidhi.

Comments are closed