Dowladda Jabuuti oo Ciidamo Dheeraad ah u soo diraysa Soomaaliya
Jabuuti April 17 2013 (SDN)– Dowladda Jabuuti oo kamid ah Dowladaha deriska la’ah dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadeyso taageerada ay siinayso Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda intaba.
Sida uu sheegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arnaa’ud Cali oo ka hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa wuxuu uu xoojiyaan taageerada Soomaaliya ay ballaarinayaan caawimaad dalka ay siiyaan.Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti ayaa ku nuuxnuuxsaday inay udirayaan gudaha dalka Soomaaliya ciidamo kale oo dheeraad ah kuna shaqeeya magaca AMISOM kuwaasi oo ka socda Dowladda Jabuuti ee howlgalka qeybta ka ah.
Mar uu soo hadal qaaday Dowladaha caalamka ayaa wuxuu ka codsaday inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan Dowladda Soomaaliya oo hada soo hana qaadeysa una baahan garab istaag buuxa.
Jabuuti ayaa dowladda Soomaaliya oo dhawaan cunaqabteynta hubka laga qaaday ugu deeqda sahay ciidan oo ay ka mid yihiin gaadiidka dagaalka ee gaashaaman.
SDN-Jabuuti