|

Dowladda India Oo Sheegtay In Ay Taageerayso Ciidamada Nabada Ilaalinta Midowga Africa AMISOM

New Delhi March 28 2013 (SDN)– Warbixin uu soo saaray raysal wasaaraha dalka Hindia Manmohan Siin ayaa lagu sheegay in dowlada Hindia si weyn ula dhacsan tahay horumarada dhinacyada taabanaya ee ka jira dalka Soomaaliya.

Raysal wasaaraha India ayaa ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen hogaamiyaasha Africa kaasi oo ka dhacay dalka Koonfur Africa,kaasi oo looga hadlay arimo badan oo quseeya xaaladaha wadamada Africa ka taagan.Wuxuu si weyn Manmohan Siin howgalka Amisom ee ka socda Soomaaliya,kaasi oo ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada wadamo kala duwan ka socdo,isagoona balan qaaday in wadankiisa door muhiim ah ka qaadan doono sidii loo sii horumarin lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Sidoo kale Raysal wasaaraha India ayaa dhanka kale sheegay in Soomaaliya oo mudo dagaalo ku soo jirtay haatan ku jirtaa wadadii ay ku iloowi lahayd waxyaabihii xumaa ee soo maray.

Xaalad Deganaasho oo sidii hore ka xasilan ayuu sheegay in iminka dalka Soomaaliya,taasi oo ku tilmaamay inay suurta galineyso in la caawiyo shacabka Soomaaliya oo dagaalada dalka ka daalay.

Ugu danbeyntii Raysal wasaaraha ayaa ka hadlay xaaladaha wadamda ay ka mid yihiin Jamhuuriyada Dimuqraadiga Kongo iyo amuuraha ka aloosan dalka Mali oo ka socda howlgal uu hogaamiyo Faransiiska.

SDN-New Delhi

Comments are closed