Dowladda Hoose Ee Caasimadda Hargeysa Oo Olole waddo banayn ah Bilowday + Daawo Sawirrada.
Hargeysa,27july,2015(QJ/SDN)-Dolwadda hoose ee Hargeysa ayaa saaka bilowday olole ay u banaynayso waddooyinka xidhan ee magaalda Hargeysa gaar ahaan faras magaalaha, waxaana saaka subaxnimadii hore dowladda hoose ee Hargeysa Cagta marisay goobo ganacsi oo aad u tiro baan. Waxaana la arkaayay ciidamada ammaanka Hargeya oo ammaan aad u usaagaya. Wakhti hadda laga joogo dhowr bilood ayay ahayd markii dowladda hoose ee Hargeysa ay bilowday olole noocan oo kale ah, laakiin ololahaasi ma nocon mid sidii la rabay u hir gila, waana sababta maanta mar labaad dowlada hoose ee Hargeysa usoo roggaal celisay.