|

Dowladaha China iyo Portugal oo kawada hadlay La Dagaalanka Burcad badeeda Soomaalida

Lisbon April 21 2013 (SDN)– Saraakiil ka tirsan ciidamada Badda dalka Shiinaha ayaa booqday Magaalada Caasimada u ah dalka Portaqiiska ee Lisbon,iyagoona halkaasi kula kulmay Saraakiisha kale ee ciidamada Badda dalkasi.

Dowladahan ayaa ka arinsaday xaaladaha nabadgalyo ee xeebaha Soomaaliya,iyagoona isku afgartay in siwadajir ah loo hujuumo burcad badeeda Soomaalida oo la dagaalankooda ay isku garab hirtinayaan Maraakiib dagaal oo wadamada Midowga Yurub ka socda.

“Booqashada Saraakiisha Badda ee shiinaha ee Dalka Portiqiiska waxay saacidi doontaa in iskaashi dhexmaro labada ciidan,islamarkaana la kordhiyo dagaalada burcad badeeda si meesha looga saaro dhalinyarada burcad badeeda”,sidaasi waxaa sheegay Huang Songfu oo ah Safiirka shiinaha u fadhiya Portiqiisk.

Saraakiisha ciidamada Badda shiinaha ayaa inta ay ku guda jireen booqashada dalkaasi waxay gaareen xerooyinka ay ku jiraan ciidamada Badda ee dalkaasi,iyagoo u kuurgalaya xaaladooda iyo qaabka ugu fudud gacan u siin lahaayeen.

Xeebaha Soomaaliya waxaa ku sugan Maraakiib shisheeye oo ku andacoonaya la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya,iyadoo iminka caqabada ugu weyn ee Soomaaliya ka jirta ay qeyb ka tahay burcad badeeda oo qafaalasho u geysta maraakiibta xeebaha Soomaaliya isticmaasha.

SDN-Lisbon 

Comments are closed