Dowlada Sweden Oo Laga Codsaday In Ay Aqoonsato Baasaboorka Soomaaliya!!!!
Muqdisho 21. May 2017 (SDN/QJ):- Magaalada Muqdisho waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Swedan Mikael Lindvall iyo Agaasimaha guud ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya G/Sare Moxamed Adam Koofi .
Safiirka iyo Agaasimaha Guud ayaa waxa ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xariirka labada Dowladood iyo sidii dowlada Swedan u aqoosan laheyd Basaboorka Soomaaliga si muwaadiniinta Soomaliyeed ay ugu tagaan Swedan.
Safiirka Swedan Mikael Lindvall ayaa aqbalay labada arimood ay ka wada hadleen Agaasimaha Ha’ysa Socdaalka iyo Jinsiyadaha, waxana uu sheegay in uu la wadaagi doono madaxda ugu sareysa Swedan ayna ugu horeyn ka shaqeyn doonaan aqoonsiga basaboorka Soomaaliga ah.
Baasaboorka Soomaaliga ayaan wali heysan aqoonsi caalami ah, waxaana dowlada Federaalka Soomaaliya dadaal badan ugu jirtaa sidii Baasaboorka Soomaaliya u noqon lahaa mid la aqoonsado oo lagu tagi karo wadamo badan oo caalamka katirsan.