Dawladda Soomaaliya oo Shaacisay inay Dacwad ka dhan ah Saldhigga Millateri iyo Imaaraadka Carabta Gudbiyeen DAAWO
Muqdisho 15. February 2017 (SDN/QJ):- Hanti dhowrka guud ee Qaranka Soomaaliya Dr. Nuur Faarax Jimcaale ayaa ka hadlay heshiiska dhax maray Somaliland iyo Dowlada Imaaraatka Carabta ee lagu wareejiyay Dekadda iyo garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera.
Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Soomaaliya, waxa uu sheegay inay Dacwad u gudbinayaan Jaamacadda Carabta ka dhan ah dawladda Imaaraadka Carabta, taas oo uu ku tilmaamay inay duullaan qaawan, qaybqaybin iyo Xasarad ka waddo gudaha waddanka Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Saaxil ee Somaliland, waxaanu ugu baaqay Imaaraadka inay dhibaatada ka dayso Soomaaliya.
“Heshiiskani waa Mindi laba Af leh, waa mar oo waa musuqmaasuq oo Shaqsiyaad Somaliland iyo Federaal ah ayaa biicinayey oo Dhulkaa rabay in la geeyo Shirkado Imaaraati ah, oo imaaraadka la soo galay, waa musuqmaasuq oo wax cad maaha.” Sidaa ayuu yidhi Nuur Axmed Jimcaale.
Waxaanu Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Soomaaliya, intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Madax sare oo ka tirsan Somaliland iyo dowladda Federaalka ayaa wax ka ogaa heshiiskii DP World, wuxuuna runtii heshiiskaasi dhalay kan Saldhigga Ciidanka Imaaraadka Carabta lala galay ee ay ka furanayaan Berbera, waana mid xad-gudub ku ah danta Ummadda iyo Hantida Qaranka Soomaaliyeed.”
“Waa markii labaad ee heshiis gacan-ku-rimis ah ee ay dawladda Imaaraadku la saxeexanayso Dad Dawladda Soomaaliya ee Federaalka ka mid ah iyo Dad Maamulka Somaliland ka mid ah. Heshiisku hadduu sax yahay maxaa loo qarinayaa maa dadka la tuso oo Sharci-dejinta la tuso? Heshiiskaasina sharci maaha ee waa sharci-darro.” sidaa ayauu yidhi Hanti-dhawraha Soomaaliya, waxaanu sheegay inay Dawladda Imaaraadku Soomaaliya dhib, kala qoqob iyo xasarad ka dhex waddo Soomaaliya.
Waxaannu Warbixinta Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Federaalka Soomaaliya oo dhammaystiran idiinku soo gudbinaynaa Muuqaal-dhegaysan Hoose ee Ka bogasho wacan oo wanaagsan:-