|

Dowlada Somalia Oo War Ka Soo Saartay Iska Horimaadyadii Maanta Ka Dhacay Muqdisho oo Sababay Khasaare Dhimasho Kaas oo u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan Dawladda

Muqdisho 26. July 2017 (SDN/QJ):- Dowladda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay iska horimaadyo u dhaxeeyay ciidammo ka wada tirsan dowladda oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaasoo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa isku dhacyadaasi ku tilmaamay iney ahaayeen shilal ku dhacay si lama filaan ah ayna ka xuntahay dowladda Soomaaliya.

Sanbaloolshe ayaa sheegay in haatan ay socdaan baaritaano ku aadan dhacdooyinkaas, lana ciqaabi doono cidii loo arko iney dembi geysatay.

“Maanta wixii dhacay shil ayuu ahaa, wax qorsheysan ma ahayn, shil dowlada dhexdeeda ayuu ahaa, ciidamo isku mad ah oo aan dhinac kale aheyn ayaa isku dhacay baaritaan dhab ah ayaana lagu sameynayaa, cid kasta oo qalad uu ku soo baxana tallaabo ayaa laga qaadayaa, aad baana uga xunnahay”ayuu yiri Taliye Sanbaloolshe.

Waxaa uu sheegay in isku dhacyadii maanta ay ku dhinteen sadex askari qaar kalena ay ku dhaawacmeen wuxuuna xusay in ciidamada dagaalamay, loo kala gudbiyey warbixino qalad ah, qaarkoodna lagu wargeliyey iney jiraan rag shabaab ah oo isku soo ekeysiiyey ciidamada dowlada taasna ay keentay kala shaki iyo isku dhac aan ku talo gal aheyn.

Dhanka kale Wasiirka Gaadhaanshigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa sheegay in falkan dhacay dowladdu ay ka xuntahay sidoo kalana aysan saamayn ku yeelanaynin wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidanka Qaranka.

Iska horimaadyada maanta dhexmaray ciidamada dowlada oo ka dhacay dhowr goobood ayaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho qeybo ka mid ah, waxaana ciidamada lagu dilay ku jiray sarkaal ja tirsanaa nabad sugida oo la oran jiray Ciise Jiijiile.

Comments are closed