|

Dowlada Shiinaha Oo Si Weyn Uga Cadhootay Daandaansi Dowlada Mareykanka Ay Ku Hayso

Triton 05. July 2017 (SDN/QJ):- Dowlada Shiinaha ayaa si weyn uga carootay daandaansina ku tilmaantay Markab dagaal oo dowlada Mareykanka leedahay, kaa oo soo gaaray meel ku dhaw Jaziirada lagu muran san yahay ee kutaala Koonfurta Badda Shiinaha.

Markab dagaal oo leedahay dowlada Mareykanka laguna magacaabo USS Stethem ayaa kusoo xirtay meel u dhow Jasiiradda Triton, oo qayb ka ah Jasiiradaha archipelago, oo ay sheegtaan dowlada Shiinaha iyo dowlado kale oo daris la ah.

 

 

Shiinaha oo ka carooday Markabkan dagaal ee dowlada Mareykanka keentay Jaziirada lagu muran san yahay ayaa dhankiisa doomo milatari iyo diyaaradaha dagaalka u diray halka uu ku xirtay Markabka Mareykanka.

 

Dowladaha Shiinaha iyo Mareykanka ayaa marar badan isku fahmi waayay Jaziiradahan lagu muran san yahay, waxa ayna Dowlada Shiinaha ku doodeysaa in Jaziiradahan ku yaalaan dhulkeeda halka wadamo kalana ay sheegtaan.

 

Dhinaca kale markii ay arintan dhacday ayaa waxaa khadka Telfoonka kuwada hadlay Madaxweynaha Shiinaha iyo dhigiisa dalka Mareykanka ,waxa ayna labada Madaxweyne kawada hadleen markabkan soo gaaray Jaziiradaha lagu muran san yahay iyo xiisada uu abuuray.

 

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada Madaxweyne Khadka Telfoonka uga wada hadleen arrinta markabka, waxa ay sidoo kale kawada hadleen inay xoojinta sida ay uga go`an tahay in dhulka Kuuriya laga dhigo mid nukliyeerka ka caaggan.

Comments are closed