|

Dowlada Jabuuti oo si layaableh uhor-istaageysa in Sh Shariif uu isku soo sharaxo Madaxweynaha Soomaaliya,& Sababta Keliftay

Muqdisho 09. October 2016 (SDN/QJ):-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa kamid ah musharaxiinta ugu cad cad ee loo saadaalinayo iney ku guuleysan karaan xilka ugu sareya.

 

sharif2Hase ahaatee siyaasadaha dowladaha shisheeye ay ka ciyaarayaan arimaha Soomaaliya ayaa saameyn xoogan ku yeelan karta in qaar kamid ah musharaxiinta ay waayaan booskoodii musharaxnimada.

 

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dowlada Jabuuti gaar ahaan madaxweyne Ismacil Cumar Geelle uu ku dadaalayo in Sh Shariif uusan isku soo sharaxin kursiga madaxtooyada.

 

Sababta ka danbeysa in doorka Jabuuti uu heerkaas gaaro ayaa ah iney doonayaan iney xilka madaxweynaha kusoo celiyaan madaxweynaha haatan talada haya ee Xasan Sh Maxamuud.

 

Xasan Sh oo waayay taageerada dowlada Imaaraadka Carabta ayaa haatan kaliya isku haleynaya Jabuuti iyo Itoobiya, kuwaas oo taageeradooda kasoo weeciyay Sh Shariif si Xasan Sh uu ugu guuleysto doorashada.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Sh Shariif uusan diyaar u aheyn inuu dhageysto dalabka madaxweynaha Jabuuti ee ah inuu isaga haro tartanka madaxweynaha.

Musharax walba oo utaagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa haysta taageero shisheeye taas oo meesha ka saareysa in la helo siyaasi leh dano ugaar ah shacabka Soomaaliyed.

Comments are closed