Dooro Mohamud Noor: Oo Dadkaaga Dhican Ka Raac
Mohamud Noor waa uu isxilqaamay, waqtina uu geliyey in uu u istaago doorashada taariikhiga ah ee ka dhicaysa deegaanka Soomaalida u badan tahay, ee magaalada Minneapolis, ee gobolka Minnesota. Waxaa waa jib ah in lala garab istaago maadaama uu ilaa heerkaa isgaarsiiyey, waxaa uu naga istaahilaa in la doorto, sidii adigaba laguu garab istigaagi lahaa hadii aad maanta ahaan lahayd qofka doorashada u taagan.
Waxaase layaab leh in ay dadka qaar ka shaqaynayaan is daba maryees la isku xanto, xalinteedana maaro loo la’yahay, taasna ay sababtay in aan runta aan la isku sheegayn.
Hadaba, ha ahaadeen dhinaca Mohamud Noor ama dhinacyada kale ee ka soo horjeeda, waxay ku quman tahay in ay joojiyaa arimaha la xariira in dadka Soomaalida ah ee degan magaalada ee lagu kala qaybiyey doorashadaan, isla markaana gaartey meel dheer oo ay xalinteeda qaadan doonto waqti aad u dheer.
Hada iyo dan, Mohamud Noor, waxaa uu naga codsaday in la doorto, waxaana uu ku leeyahay jaaliyada in ay garab istaagto. Wixii kale, ha ahaato isla xisaabtamo, waa wax gadaal ka imandoona, laakin maanta waxaa qofkasta la gudboon in taariikhda uu Mohamud Noor dhigi doono ka qaybqaato. Hadii kale, waxaad noqon kuwii ka leexday dadkooda.
Waxaa qoray: Mohamed Barre – Junlay ‘Buluf’ oo wax ka qora arimaha Soomaalida, degana Magaalada Minneapolis, MN – junlay99@aol.com