|

Doorka Marwo Shugri Baandare ay ku leedahay Guulo ay Somaliland ka Gaadho Helitaanka Deegaan wanaagsan iyo Kaalinta ay ka qaadatay inay Haweenku Saamayn ku yeeshaan Hogaaminta Dalka

Barashada Aqoonta Dhinaca Caafimaadka Iyo u Soo Digo rogashada Dhinaca Maamulka( Komisheneer Ilaa Wasiir) Astaan Ku Dayasho Mudan.

Hargaysa 08. October 2016 (SDN/QJ):- Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare Waa Mid ka Mid ah Haweenka Somaliland ee door Mug leh ka soo qaatay Ilaalinta Deegaanka Waxay sidoo Kale ka mid tahay Dumarka Faro ku tiriska ah ee Nasiibka u helay inay ka qayb qaataan Saaxada Siyaasada Dalka,Iyadoo Xiligana ah Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga ee Jamhuuriyada Somaliland.

Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare Wasiirka Deegaanka Somaliland Waxay si Xeel dheer uga Warbixisay Sooyaalkeedii Nololeed,Kii Taariikheed iyo Waxqabadkii ay Bulshadeeda u fidisay Iyo Weliba Qaabka ay uga faa’iidaysay aqoontii ay Mudada dheer soo baranaysay .

Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare Waa Mid ka Mid ah Xubnaha loo Xushay inay ka mid  yihiin Haldoorka Somaliland ee Saamaynta Togan ku dhex leh Bulshadeeda Waxayna Qodobadan iyo Kuwo Kale oo ku dhereran Taariikhdeeda Nololeed iyo Dhacdooyinkii ay u soo taagnayd ay ku faahfaahisay Waraysi Dhinacyo badan leh oo ay Siisay Barnaamijka Ku Dayo Muwaadinka dantaadda Guud Wax weyn ka soo qabtay Rubuc qarnigii tegay Kaas oo uu soo agaasimay Aqoonyahan Rashiid Sulub Caalim.

shugri-baandareUgu Horayn Rashiid Sulub Caalin ayaa Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare Waxa uu weydiiyey Halkii ay ku dhalatay iyo Deegaanadii ay ku soo Kacaantay iyo Halkii ay Wax ku soo baratay Waxayna Shugri Xaaji Ismaaciil Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyigu kaga Jawaabtay Sidan ‘’Waxaan Ku Dhashay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargaysa,waxaan ka baxay Iskuulkii Riis Kadib Magaalada Burco Ayaan Boodhinka ka galay,markaan dhameeyay Magaalada Muqdisho Ayaan Nursing ka galay Waxaa Macallimad noo ahayd Ilaahay ha daayee Drs Edna Aadan Ismaaciil markaanu meel fiican ka gaadhnayna waxay keentay inaanu ku shaqayno Waxaa kale oo Shaqadani noo Sahashay inaanu helno Course kale oo aqoontayda kaabay,Markii hore Waxaan bartay Nursing iyo Umuliso-nimada ilaa Markii danbe aan gaadhay heer Jaamacadeed inkasta oo aan u Leexday dhinaca Maamulka,’’

Wasiir Shugri Baandare oo hadalkeeda sii wadata ayaa Waxay tidhi ‘’Waxaan Mudadaas ka soo Shaqeeyay Dalal badan Sida Maraykanka,Carabaha,Somalia iyo Somaliland oo Wakhtiga ugu badan aan ku qaatay, Waxaan ka Mid ahaa Gudidii ugu horaysay ee Maamulaysay Doorashooyinkii Somaliland,Sidoo kale Wax badan Ayaan ka soo qabanay doorka haweenka ee ka qayb galka Saaxada Siyaasada dalka’’

Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa la weydiiyey Inay Sawir buuxa ka bixiso Xaalada Deegaanka Somaliland maadaama ay Tahay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ayaa waxay Tidhi ‘’Inagu waxaynu ka mid nahay dawladaha ugu nasiibka badan Caalamka ee leh Badii, Berigii,Buurihii iyo bannaankiiba ee intaasiba yihiin kuwo wax laga qabsan karo,Qarnigii ugu danbeeyay Werwerka deegaanka laga qabo wuu isa soo tarayay taasoo ku xidhnayd heerka ilbaxnimo ee dadyawga adduunka Waxaynu ku tilmaamanahay dhulka qalalan ee Ku dhow Saxaraha waxaanad arkaysaa in Deegaankeenu daryeelkii uu inaga mudnaa aynaan siin,Wasaaradan aan ku magacaabanahay waa mid balaadhan oo Koobsata Deegaankii iyo Miyigii Waxayna wada shaqayn mug leh la leedahay Wasaarado badan Sida Beeraha,Biyihii,Xoolihii,Khayraadkii badda Waxaa kale oo Shaqada Wasaaradan soo gelaya Wax alaaliyo Wixii Khashin ah ee Wershaduhu soo saaraan,Wasakhowga ay sababaan gaadiidkan tirada badan ee dalkeena la keeno’’

Wasiir Shugri Baandare oo ka Jawaabaysay Sida loo dhalan rogay Seerayaasha oo Markii hore looga dan lahaa in Xiliyada abaarta Xoolaha lagu badbaadiyo Isla markaana haatan loo rogay Ceshiimooyin aan dalag ka soo bixin oo si Sharci daro ah looga ooto Xoolaha iyo dadka iyo Sida ay Wasaaradoodu ula tacaalayso ayaa tidhi ‘’Runtii Seerayaashu waxay ahaayeen dhulka lagu baxsado Waxaa la odhan jiray Seere Xiliyeed kayd u ahayd Xoolaha laakiin waxaa is bedelay habkii loo dhaqmayay ee dawladu u shaqayn jirtay ee looga baqayay ayaa burburay waxay markaas noqotay inuu waddanku la jaanqaaday ee dawladuna soo dhismaysay, Ummaduna ka hor dhisantay dawlada,Waxaa taas raaca in markii dawladu markii ay u soo jeedsatay ee awood u Yeelatay wax ka qabashada aafadan ayaa waxaa adkaatay sidii dadkii loola macaamili lahaa,Seerihii qofkii ayaaba dhex degay,Markaas iyadoo Sharciga maanta la sameeyay ayaa hadana Caqabadani Jirtaa Waayo Qofna Keligii ma Socdo kii Xaq darada sameeyay ayaa waxaa soo raacaya Odayaashii,Cuqaashii,Iyo Salaadiintii oo Garab ku siinaya Gefka uu gelaayo’’

Wasiiradu Waxay ka hadashay inay si kooban u sheegto Waxyaabihii ilaa imanka wasaaradeeda u hirgalay waxayna tidhi ‘’Waxaa Lambar Kow ah Sidii Wacyiga Dadka aanu kor ugu qaadi lahayn,Ilaa maalintii aan Xilka qabtay taas Culays weyn Ayaan saaray,Waxaa qodobka labaad ah inaanu ku dadaalnay Soo Saarista Wixii Shuruuc ah ee Shaqadani u baahnayd Waxaana Guul ah in Baarlamankeenu soo saaray Sharcigii ugu weynaa ee Xakamaynta Duurjoogta,Seeraha iyo Kaymaha Isla markaana Madaxweynuhu Saxeexay dhaqana galay,Waxaa kale oo Jira Wareegtooyin Madaxweynuhu soo saaray oo Door waxtar leh ka qaadanaya badbaadinta deegaanka,Waxaa kale oo Wasaarada Deegaanku maanta leedahay Siyaasadii ay ku Shaqaynaysay oo dhamaystiran Taas oo dhawaan ay noo Qorshaysan tahay inaanu hor geyno Golaha wasiirada,Sidoo kale waxaa baarlamanka Somaliland hor yaala Shuruuc badan oo wax ka taraysa badbaadinta Deegaanka iyo fayo qabkiisa,Sidoo kale Seerayaal badan ayaa iyana la baneeyay la iskama odhan karo waa Waxqabad wax ku ool ah Laakiin Waxaa Wax Ku Ool iyo inuu Midho dhalay ka dhigay inaanu maanta Bicihii Khatarta ku hayay deegaanka iyo Xoolahaba dalka ka Mamnuucnay iyadoo in badan Bulshada la fahamsiinayay dhibaatada aan hadhayn ee bacaha balaastikada ahi ku leeyihiin deegaanka taas guul wanaagsan ayaa laga gaadhay’’ ayay tidhi Wasiir Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.

Comments are closed