|

Doorashooyinkii Jarmalka oo maanta Dhacaya,yaa lagu wadaa in ay guushu raacdo

Berlin Sept 22,2013(SDN)-Doorashooyinkii guud ee dalka Jarmalka ayaa maanta looga dareerayaa dalka Jarmalka iyada oo tartanku ka kulul yahay sidii uu ahaa horaantii ololaha madaxtinimo ee dalkaasi.

Tartanka ugu kululi waxa uu u dhexeeyaa Angela Merkel iyo wasiirkeedii hore ee maaliyada Peer Steinbrueck.

Steinbrueck ayaa saxaafadu sawir ay ka qaaday waxa uu u muuqday ruux farta dhexe taagaya.

Sawirkaas oo noqday sawirikii ololaha tartanka madaxtinimada dalka ee 2013ka.

Isbaheysiga ay haatan hogaamiso haweeneyda dalka u talisa ayaa dhibaato kala kulantay sidii ay dadka ugu gudbin lahaayeen fariimahooda.

Si kasta oo ay tahay xeel dheereyaasha reer Yurub ayaa qaba in Angela Merkel ay xilka dib ugu soo noqon doonto.

Angela ayaa xilka dalka u sareeysa heysa tan iyo sanadii 2005tii,taas oo ka dhigeysa haweeneyda dunida ugu awooda weyn.

SDN-Berlin

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed