Doorashada Xidlhibaanada Somaliland u Matalaya Aqalka Hoose ee Baarlamanka Somalia oo Maanta la Doortay & Xubnaha ilaa Hada la Doortay DHAGAYSO
Muqdisho 06. December 2016 (SDN/QJ):- Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka bilaabatay doorashada xubnaha Aqalka Hoose ee xubnaha baarlamaanka Soomaaliya u matalaya gobollada Waqooyi.
Xubno ay ka mid yihiin ra’iisul wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Cabdraxmana Ducaale Beyle ayaa ka mid ahaa musharrixiinta maanta la doortay.
Max’ed Cumar Carte ayaa helay 47 cod,ahlka Axmed Cismaan Ismaaciil oo tanaasulay uu helay 4 cod oo kaliya,waxaana sidaas ku soo baxay Ra’isalwasaare ku xigeen Carte.
Doorashada Xildhibaannada Beela Waqooyiga ayaa ka socota Magaalada Muqdisho,gaar ahaan xerada Gaadiidka Booliska ee Degmada C/Casiis.
Shalay ayaa ra’iisul wasaaraha Soomaaliya waxa uu soo jeediyey in doorashadan lagu qabto xarunta Xalane oo ah halka ay degan yihiin ciidamada Amisom iyo beesha caalamka.
Si kastaba, Doorashadan ayaa waxa ay ka dhaceysaa xarunta Gaadiidka Booliiska ee degmada Cabdicasiis ee magaalada Muqdisho.