|

Doorashada Madaweynaha Galmudug oo Dib u dhac ku yimid iyo sababta ka dambeysa oo la ogaaday

Cadaado 30. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa dhawaan shaaciyay in ay dooran doonaan Madaxweyne cusub uu maamulkaasi yeesho ,kadib markii ay xilka ka qaadeen Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

 

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa horey u shaaciyay in Doorashada Madaxweynaha Galmudug ay dhaceyso 8-ka bisha Febraayo , waxaana hada soo baxaya warar sheegaya in Doorashada waqtigaasi ay dib uga dhaceyso.

 

Xubno katirsan Wakiilada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa kulan gaar ah la qaatay Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamaanka Maamulka Galmudug Xareed Cali Xareed iyo Xildhibaano katirsan maamulkaasi.

 

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xiisada Siyaasadeed ee ka jirta Deeganaada Galmudug, waxa ayna sheegeen Beesha Caalamka in ay sax ula muuqato xil ka qaadista ay Baarlamaanka ku sameeyeen Madaxweyne Guuleed.

 

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka codsaday Baarlamaanka Maamulka Galmudug in dib loo dhigo Xiliga Doorashada Madaxweynaha Galmudug maadaama waqtiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya iyo tan Mudug ay hal waqti ku beegan yihiin.

 

Gudoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Xildhibaanada ayaa aqbalay dalabka beesha Caalamka ee ku aadan in dib loo dhigo doorashada, mana jirto waqti kale oo loo qabtay Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

 

C/Kariin Guuleed ayaa wali diidan in Baarlamaanka Galmudug xilka ka qaadeen, waxa uuna wali ku adkeesanayaa in uu yahay Madaxweynaha maamulkaasi, waxa uuna xil kaqaadistiisa ku tilmamaay mid sharci daro ah.

 

Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la tilmamayaa in ay go’aamin doonto xaalka Madaxweynaha Galmudug, waxaana meesha toos uga bicxi doono Guuleed hadii uu kursiga Madaxweynaha kusoo baxo qof aan Xasan Sheekh aheyn, hadiisa Madaxweyne Xasan soo laabto ayaa rajo waxa ay soo gali doontaa Cabdikariin Xuseen Guuleed oo wali is adkeenaya.

Comments are closed