|

Doorashada Gudoonka Midowga Afrika oo Lagu tartamayo Iyo Ismaandhaafka Jira

Addis Ababa 03.July 2016 (SDN/QJ):- Doorashada gudiga ururka Midnimada Afrika ayaa loo arkaa inay noqoto imtixaan adag oo loo maro xil saamayn ku leh masiirka guud ee qaaradda iyo ku taagnaanta mabaa’diida uu Ururku u taagan yahay, iyadoo gudiga sare uga fadhiyaan dalalka xubnaha ka ah Ururka inay dhacdo tartan doorasho  oo dhammaystiran , kas oo aasaas ay u tahay ballanqaad dhab ah oo ku saabsan hirgelinta qorshaha fog ee qaaradda, iyo aragti ay ku hogaamin karaan Qaaradda.

africa unionIyadoo gudiga cusub ee hogaamin doona Ururka ay lagama maarmaan u tahay inay ku filnaadaan bedelaadda  muuqaalkii hore ee qaaradda lagu yaqaanay, waxqabad iyo waxtarna augu keeni lahaayeen.

Waxaa hada dhamaaday afartii sanadood ee ay ururka Gudoominaysay Dr Nkosazana Dlamini-Zuma, waxana ay u muuqataa in aanay diyaar u ahayn inay mar kale musharax u noqoto jagadaasi

Doorashada gudoomiyanimada afrika oo dhacaysa bishan gudaheeda ayaa dad badani rumaysan yihiin in la isku maandhaafsan yahay musharixiinta ugu cadcad, iyadoo warbixinahii ugu dambeeyey ee laga qoray doorashadaasi ay muujinayaan  in ahmiyad weyn ay leedahay in Afrika ay hogaankooda ku doortaan ka fiirsasho dheeraad ah iyagoo ku qiimaynaya  danaha Qaaraddu leedahay iyo cidda ka dhabayn karta riyadeeda.

Muhimada ay leedahay doorashadani waa in gudiga la dooranayaa ay yihiin madasha iskaashiga guud ahaan Qaaradda, iyagoo gudoomiyaha iyo gudigiisu hayaan mas’uuliyadda qoondaynta kheyraadka iyo go’aanka  qorshaha xiliga dheer ee Qaaraddu leedahay.xilli ay sidoo kalena door muuqda ka ciyaaraan dhexdhexaadinta arimaha lagu kala aragti duwan yahay , iyagoo diyaariya isku dubbaridka iyo fulinta kormeerada.

Gudiga Midnimada Afrika ee la dooranayo ayaa sidoo kale diyaaraiya qorshayaasha istaraatiijiyadeed ee Qaaradda, waxana ay wadaan arimaha maamulka, khibrada xoghaymaha iyo nuxurka shirarka iyo kulamadawaaweyn ee Qaaraddu yeelato, iyagoo warbixinaha u gudbiya  shirweynaha Midowga Afrika, iyo guddiga fulinta ee amniga iyo nabadgelyada Afrika, iyadoo Gudigani kor u qaadaan magaca iyo muuqaalka Qaaradda, saaxadda caalamiga ahna ka difaaca danaha shucuubta Afrika.

Dhanka musharixiinta ayaa dalalka qaarkood soo gudbiyeen boosaska ay musharixiintoodu u tartamayaan, iyadoo Dalka Botuswana ay danaynayaan inay ku tartamaan booska u sareeya ee Gudoomiyaha, xilli dalalka Somaliya iyo  jabuuti ay iyaguna markoodii ugu horaysay musharax u yihiin jagada Gudoomiye ku xigeenka ururka Midnimada Afrika.

Wadamada lezotho iyo Cameroon ayaa iyaguna musharixiin u keensaday booska madaxa dhaqaalaha ee Ururka , laakiin afarta wadan ee 48% bixiya kharashka Ururka Midnimada Afrika  oo kala ah Aljeeriya, Masar, Nigeria iyo Koonfur Afrika  waxay wataan shan musharax oo keliya, tiradaas oo 18% ka noqonaysa tirade guud ee musharixiinta boosaska kala duwan oo gaadhaya 32 musharax, iyagoo afartan dal aanu midkoodna wadanin musharixiin u tartamaysa booska gudoomiyaha Ururka iyo ku xigeenkiisa toona.

Comments are closed