Dooni Shixnad Ganacsi u siday Somalia oo Ku Haligantay Xeebta Yemen
Cumaan 11.July 2014 (SDN/QJ)- Dooni ganacsi oo u rarneyd ganacsato Puntland ah ayaa ku degtay gelinkii danbe Shalay biyaha badda cas gaar ahaan meel 10 mayl u jirta xeebaha dalka Yemen.
Doonta oo siday badeeco 1,500 oo tan ah ayaa sida la sheegey kasoo shiraacatay dalka Cuman, waxayna kusoo jeeday magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.
Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Cabdullaahi Jaamac Saalax ayaa sheegay inay doontu dhinac u ciirtay ,laguna guuleysan waayey in la xakameeyo biyaha soo galayey.
”Doonidu dhinac bey u ciirtay alaabtii baa qaar laga daadiyey laakiin markiiba biyo badan baa galay,biyahaas oo matooradii bakhtiiyey marka si kasta waa la isugu dayey in la bad-baadiyo, nasiib daro-se laguma guulaysan in la bad baadiyo”ayuu yiri Wasiirku.
Sidoo kale,wuxuu sheegay in arrinta dhacday uga tacsiyeeyay Wakiilka doonta Ganacsade Liibaan Dheere.
”’ Doonidan degtay shalay waxay u rarneyd Liibaan Dheere oo wakiil u ahaa,waxayna ahayd dooni weyn oo xamuul badan siday oo ah 1,500 tan.waa la isku dayey in la bad-baadiyo laakiin wey suurtoobi weysay ’”ayuu yiri wasiirku.
Dhanka kale Ganacsade Liibaan Dheere oo wakiil ka ahaa doonta degtay ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay inay ka mid ahaayeen alaabta ay doonidu siday Shidaal, Raashin, Qalabka Dhismaha, Gadiid iyo Bagaash.
Ma ahan markii u horeysay oo doonyo kusoo wajan Bosaso degaan,waxaana sababta ugu weyn loo saaraa dabaylaha xiligan ka dhacaya badda, kuwaas oo keenay inay ku lumaan hanti malaayiin dollar ka badan.
Cumaan SDN/QJ
contact@qurbejoog.com