Doon Waday 80 Qof Oo Tahriibayaal Ah Oo Ay Ku Jiraan Dad Mayd Ahi Oo Lagu Qabtay Xeebaha Somaliland
Ceerigaabo,9Jan,2016(QJ/SDN)-Dawlada Somaliland ayaa sheegtay in gobolka Sanaag ay ku qabteen doon waday in ka badan 80 qof oo tahriibayaal Ethiopian ah, oo ay ku jiraan dad meyd ah.
Guddoomiyaha Gobolka Sanaaga Axmed Cabdi, ayaa VOA-da u sheegay in markii doontaas ay gacanta ku dhigeen ay ku arkeen 7 qof oo meyd ah, kadibna saddex qof oo kale ay gadaal ka geeriyodeen.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in doontan ay ka timid dhinaca xeebaha Puntland, islamarkaana ay wadayaal ka ahaayeen rag Soomaali ah.
Axmed Cabdi Falaay, ayaa sheegay in iminka ay hayaan 72 qof oo qaar ka mid ah ay aad u gaajeysan yihiin, qaar kalena ay xanuunsan yihiin. Dadkaas 10 ka mid ah waa haween, halka 62 kale ay yihiin rag. Doontan ayuu sheegay inay u tahriibeysay dalka Yemen.