Doon siday Tahriibeyaal oo ku degtay Gacanka Cadmeed
Bosaso Feb 11,2012(qurbejoog.com)-Doon siday dad Tahariibeyaal ahaa oo tiradooda lagu sheegay 58 ayaa ku qalibantay badda Gacanka Cadmeed todobaadkan,ka dib kolkii doontii ay la socdeen ay ciladi curyaamisay.
Doontan oo todobaad ka hor ka shiraacatay xeebta Bosaaso ayaa kolkii mudo gaaban ay badda ku jirtay ciladi ay curyaamisay matoorka,ka dibna waxa doontu ay mudo dhawr maalmood ah dul heeheebeysay Badda ka dibna ay rogmatay.
Meydadka 11 ruux oo ka mid ah dadkii doonta saaraa ayaa ku soo caariyay xeebta degmedda Ceelaayo,waxa iyagana xeebta soo gaadhay dhwr ruux oo dumar iyo dhalinyaro isugu jira.
Waxase ilaa iminka aan la ogeyn waxa ay ku sugan yihiin 34 ruux oo doonta la socday oo la la’ayahay.
Xog laga soo xigtay dadka tirada yar ee masiibadan ka bedbaaday in kolkii doontu qaribantay ay ilaaladii doonta saareyd ay 22 ruux ku khasbeen in ay ku degaan baddweynta guddaheeda.
Ha’yada UNHCR ayaa ka codsatay maamul gobeleedka Puntland in ay tilaabo sharci ka qaado dadka ka baayacmushtareeya Tahriibta ee masuul ka ah masiibadan u danbeysay.
Tobanaan Kun oo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jira oo ka baxsanaya colaadaha iyo abaaraha geeska Africa ayaa sanad walba sidaa isugu miidaamiya baddaha.
Qurbejoog-Bosaso
contact@somalidiasporanews.com