Doon ay Saarnaayeen Qaxoonti ka soo Jeeda Qoomiyada Rohinga ee Myanmar oo Qarqoontay,Khasaaraha Dhimasho ee Ka dhashay & Dad la La’ Yahay Meel ay Raq iyo Ruux ku danbeeyeen
Bangladesh 17. October 2017 (SDN/QJ):- Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintey tobanaan kalena waa la la’yahay ka dib markii ay la qarqantay dooni ay saarnaayeen qaxoonti muslimiinta Rohingaha ah ee wdanka Barma , iyaga oo u sii jeeda Dalka bangaladheesh sidaasina waxa sheegay ciidanka ilaalada xeebaha ee dalka bangaladheesh.
Wakaaladda Wararka ee France press ayaa waxa ay sheegtay in Doonidani ay sidey markii ay qaraqantay ilaa Konton qof oo qaxoontiga Rohingaha ah,ilaa haddana la helay maydadka shan qof oo afar ka mid ahi ay caruur yihiin, lana soo badbaadiyey ilaa kow iyo labaatan(21)qof.
In ka badan Nus malyuun qof oo muslimiinta Rohingaha ah ayaa ka qaxay dalka Parma ka dib markii ay ciidamada dalkaasi kula kaceen tacadiyo kala duwan oo dil iyo dhac isugu jira,kuwaasi oo naftooda ula eersaday dhinaca dalka ay jaarka yihiin ee Bangaladhaash.