Doogsin Raaca Ku Biiray Kulmiye – Iyo Damaca Kulmiye- Falanqeyn Siyaasadeed
Waxaan shaashadda TVga Qaranka ka daawaday xaflad yar oo nafla caarid ah oo sheegaysa in ay Kulmiye ciddi ku biirtay.Markuu Kulmiye wax ku soo baxaanba dadka ayeey belaayo kala u saaraan; Beryahan danbe UCID Iyo Waddani oo ku shidaya Kulmiye dartood ayaa loo leeyahay cid baa nagu soo biirayaeyaa arrinkan loo sameeyey, oo Taleexna loo weeraray. Yaab mise waan eegay.
1. Ka ugu horeeya waaba kii yidhi Siilaanyo dalka kuma soo noqon karo- Yaab; waa ninkii xisbigga UCID isku deyi jiray inuu bur-buriyo ee is yidhi mansab baad sidaasi ku helaysaa. Waa mudane Keyse axmed Ismaaciil (axmed Keyse), oo runtii xisbigga UCID uu u dhiibay mansab ka weyn isaga. Ilaa maalintii Xirsi iyo Morgan London kula kulmayna dagaalka ku bilaabay xisbiga UCID iyo odoyaasha wadatashiga.
2. Haddana waan eegay waaba Ambassadorkii Ireland Cabdifataax oo weliba sheegtay inuu ahaa xoghayha arimaha dibadda ee UCID. Yaab waar imika malaha cidii maalin UCID la soo sheekaysatayba ayuu Axmed Keyse soo qabtay si uu ugu helo xil.Cabdifataax xilkaasi ma qaban ee wuu iska sheegtay; waa ninkii siilaanyo maxkamada saaraayey ee habeen iyo maalinba qaylinaayey. Walaahi xukuumadani waa fuley aan xishooneynin markay noocaasi oo kale xil u dhiibayaan.
3. Haddana waa Mingiste, oo isaga qudhiisa la yaabanaa waxay UCID ku falaysay. Runtii waa shakhsiyaadka afku xooglaha ah ee 8 sanadood Kulmiye caayaayey isagoo UDUB ah. Waa xukuumad ku noola aan weligii mucaarid noqon karin. Qolada UCIDna $700 ayaabay yidhaahdeen waa ninka ka tagi waaysoo oo taageerayaashii magaaladiisu ay u .soo dhiibeen. Maqaaladdii faraha badnaa ee cayda badnaa ee uu Kulmiye ku caayi jiray weli internetkay ku jiraan.
4. Haddana waa Ibraahim Tallaabo, oo aan weligii xil ka qaban UCID oo aan kuba soo biirin, yaabka yaabkiis goormuu noqday aasasaayaashii New UCID?, Tallaabo weligii siyaasi noqon maayo, waan nin aan xishooneynin oo intuu afka furtay TVga qaranka siiyey wakhti badan oo uu gudoomiye Faysal iyo xisbiga UCID ku caayey.
Horta kooxdaasi oo dhami waa reer London afku xooglayaal ah oo aan siyaasadda waxba ka garaneynin runtiina ay kaga dhegtay UCID wax ku noqda iyo dagaalkeedda. Kulmiyena waa waalan yahay hadday kuwaasi wax siiyaan iyadoo ay jooggaan dadkii u soo dhintay. Inta kale qudheedda xisbiga UCID iyagaa xilka ka qaaday oo kalsoonida kala noqday; waadna aragtaan title aan UCID ahayn ma laha. Kuligoodna inkaarta taageerayaasha Xisbiga ayaaba ku dhici doonta.
Xisbiga Kulmiye waakan weli shirkiisii qabsan kari la”, adduunkana weli lama arag dawlad tidhaahda waa lanagu soo biiray.
Cali Cabdi Fidhin
Hargeysa, Somaliland