Doodii Qaran ee Xisbiyada Mucaaridku ku baaqeen oo ay la Wareegeen Akaademiga Nabada iyo Qodobada lagaga hadlayo {DHAGAYSO}
Hargaysa 19.Dec 2013 (SDN)-Sadexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inay si wadajir ah oo kalsooni leh isula qaateen in qabashada dooda qaran loo wakiisho Akademiyadda nabadda iyo horumarinta Somaliland.
Hadal ay si wada jir ah saxaafadda u siiyeen kulankoodii maanta ka bacdi Gudoomiyayaasha sadexda Xisbi Qaran oo kala ah Gudoomiyaha Xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Md Muuse Biixi cabdi, Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Wadani Md Cabdiraxmaan maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Gudoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Engineer faysal cali waraabe ayaa mas’uuliyiintu waxay caddeeyeen in la soo afjaray khilaafkii ku saabsanaa qabashada dood qaran isla markaana lagu heshiiyey ajandayasha lagaga hadli doono oo ay ugu waaweyn yihiin qodobada kala ah
1. Hanaanka loo qaban doono doorashooyinka soo socda ee Madaxtooyada iyo Baarlamaanka
2. sidii si wadajir ah loogaga hawlgeli lahaa raadinta loogu jiray ictiraafka qaranimo ee Somaliland mudan tahay
Guji halkan oo ka dhagayso Mobilkaaga Madaxda Sadexda Xisbi
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/sadexdaXisbi.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com