|

Dooddii Madaxweyne Cabdi Cumar, Dabuubtii Wasiir Warancadde, Duurxulkii Isgarabsiga Dhacdada, Dalabkii Weftiga Iyo Sii Dayntii Weriyaha DAAWO

JigJiga 17.July 2016 (SDN/QJ):- Wefti wasiiro iyo xubno kaleba lahaa oo xukuumadda ka socday oo wadahadal u tegay xarunta ismaamulka soomaalida Itoobiya ee Jigjigga ayaa shalay ku soo laabtay dalka kadib markay soo dhamaysteen qasdigii ay halkaa u tageen, isla markaana waxa weftigaa soo laabashadoodii wehelinayay weriye Mukhtaar Nuux Ibraahim oo ka shaqeeya HCTV oo in mudda ahba ku xidhnaa magaaladda Jigjiga, waxaana taa darteed si wayn loogu soo dhaweeyay weftigaa magaalooyinka Wajaale iyo Gabilay.
slnd2Wasiirka Arrimaha Gudaha Warancadde oo la hadlay dadka deegaanadda ee soo dhaweeyay weftigooda wuxuu yidhi, “Waanu idiinka mahad celinaynaa sida farxadda leh ee aad ku qaabisheen walaalkeen Mukhtaar, oo mudda gaaban idinka maqnaa. Mukhtaar dawlad aynu jaar nahay baa gacanta ku haysay, dawladdaasi si wanaagsan markaanu u tagnay ee aanu waydiisanay mukhtaar in xorriyadiisa loo soo celiyo, wax kasta oo dembiya oo ay ku haystaanna ay tuuraan, oo uu ugu horeeyo madaxweynuhu, si wanaagsan oo karaamo leh ayay nooga aqbaleen.”
Wasiirka arrimaha dibadda Sacad Cali Shire oo isna ka mid ahaa weftigaa ayaa dadkaa u sheegay, inay ka wada hadleen maamulka kililka shanaad ee Itoobiya sii xoojinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal, amaanka, iskaashiga waxbarashada iyo arrimo la olog ah, kuwaasoo uu xusay inay isku afgarteen. Masuuliyiin kale oo isugu jiray kuwa gobolka Gabilay iyo dawladda dhexeba ayaa iyana ka hadlay sii daynta weriyahaa, isla markaana uga mahad celiyay maamulka kililka sii dayntiisa.
Soo laabashada ka hor weftiga Somaliland laba maalmood ay joogeen magaaladda Jigjiga waxay maamulka deegaanka soomaalida Itoobiya ka wada hadleen siday sheegeen, arrimo la xidhiidha xoojinta heshiisyo horeba ugu dhexeeyay Itoobiya iyo Somaliland. Hadal ay warbaahinta wadajir u siiyeen labada dhinacna waxay ku sheegeen inay isfaham ka gaadheen waxyaabihii ay ka wada hadleen. Madaxweynaha ismaamulka soonka 5aad ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo ugu horayn halkaa ka hadlayna wuxuu yidhi; “Waxaanu ka wada hadalay weftigan dawladda Somaliland sidii loo wada xoojin lahaa heshiiskii ay wada galeen dawladda federaalka Itoobiya iyo Somaliland, oo ahaa nabad ku wada noolaanshaha, deris wanaaga, adkaynta amniga xuduudka, isjacaylka iyo wada shaqaynta bulshada walaalaha ah. Dawladda Itoobiya iyo Somaliland, gaar ahaan dawlad deegaanka soomaalida itoobiya iyo Somaliland waa dad isku dan ah oo aan marnaba kala maarmin, isla markaana cid kasta oo isku dayda inay dhibaato ka dhex abuurto deriska isjecel ee walaalaha ah in aanay marnaba u suurtagalayn oo ay hal meel uga soo wada jeestaan.”

slnd4Madaxweyne Cabdi Cumar wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “dhibaatada maanta deegaanka soomaalida Itoobiya taalaa waa mid si kastaba u oolaysa Somaliland, ta Somaliland taallaana waa mid si kastaba u saamaynaysa deegaanka soomaalida. Markaa nabadgelyada iyo iskaashigu dan buu inoo yahay labadeena dhinacba, waana ku khasbanahay inaynu iska kaashano argagixisada, argagixisada markaan leeyahay dad waxay u qaataan argagaixisada nin is qarxinaya oo bam haysta, kaasuun maaha argagixisadu madarasadaha ayay ka bilaabmaysaa lagu dhigo aydaloojiyada argagixisada taageersan iyo sida laysu qarxiyo.”

slnd1Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire oo isna halkaa ka hadlay waxa hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi; “Ujeeddadu waxay ahayd xidhiidhkaa adag ee taariikhiga ah ee dhan walba ah sidii loo sii xoojin lahaa, haday tahay dhanka amniga, haday tahay dhanka bulshada, haday tahay dhanka dhaqaalaha, si wanaagsan ayaanu u wadahadalay, si wanaagsana wuu noogu dhamaaday.”Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Warancadde oo isna halkaa ka hadlay wuxuu yidhi; “Waxaanu ka soo baxnay shir qiimo leh, oo taabanayay meelo badan iyo arrimo badan, oo qaarna aanu halkan ka sheegi doono, qaarna ay yihiin cidday khusaysay uun in aanu mustaqbalka kala hadli doono.Anagu haddaanu nahay dawladda Somaliland waxaanu ku taamaynaa in nabad waarta lagu wada noollaado hadday yihiin shacabka Somaliland iyo haday yihiin shacabka Itoobiya labadaba.”
Tan iyo horaantii bishii hore markii degsiimadda Jaamac Dubad ee degmadda Gaashaamo ee kililka shanaad ee Itoobiya ay Ciidanka Liyuu Boolisku ku laayeen dad shacab ah oo isugu jiray dumar, caruur iyo waayeelba, waxa kordhayay xadgudubyada ay ciidankaasi kula kacayeen dadka jiiddaa, isla markaana waxay mararka qaar soo galeen gudaha Somaliland, hase ahaatee dadka iyo maamulka Somaliland iyo dadka ay isirka wadaagaan ee Itoobiyaanka ah ee degan dhulka loo yaqaano Reserve eeriya iyo hawd ee kililka shanaad ee dilka loo gaystay, ayaa la tilmaamay inay kaga jawaabeen dulqaad iyo inay xaajadda ku simaan wadahadal lagu soo dabaalo.

Comments are closed