|

Dood xiisa badan,Golaha wakiiladda iyo Buuxinta Xubnaha Geeriyooda Gaar ahaan Kaydkii Marxuun Maxamed Barkhad Miigane DAAWO

doodHargaysa 14.April 2015 (SDN/QJ)- Dood adag ayaa ka taagan Sidii loo soo Buuxin lahaa Jagadii uu Ka Geeriyooday Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo Geeriyooday 30/03/2015.

Arrinta doodu ka taagan tahay ayaa ah in aanu Jirin Xubin kayd ah oo Bedeli karta Mudanaha Geeriyooday oo ka soo baxay Xisbigii Udub.


Dooda Mudanayaasha ayaa Hal Muceedkeedu yahay Marka loo eego aaraada ka qayb galayaasha Sidan:-

1.Qodobka 51aad ee dastuurka Somaliland Wuxuu qorayaa in lixda bilood ee ugu dambeeya Muddo Xilleedka Xildhibaanadda golaha wakiiladda in golahaas aan cidi ku soo biiri karin,Iminkana Xubinta uu Banneeyay Alle Haw naxariistee Prof,Maxamed Barkhad Miigane Lama Buuxin karo,Garyaqaan Xildhibaan Maxamed Saalax Cige ayaa Doodiisa sidaa ku Dhiibanaya.

2.Gobolka awdal xaq ayay u leeyihiin inay buuxiyaan xubintaa Qodobka 51aadna ma khuseeyo waayo goluhu kordhin ayuu ku fadhiyaa,Xoghayaha guud ee Golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

3.Golaha Wakiiladdu xaaraan ayuu ku fadhiyaa hal xaaraani niirig xalaala ma dhasho…Garyaqaan Mustafe Sh.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed