Dood Sharciyeed oo ka dhalatay qabashadii wiilka lagu eedeeyay qaraxyadii Boston
Boston April 20,2013(SDN)-Dood Sharciyeed ayaa ka dhalatay qabashadii mid ka mida walaaliha lagu eedeeyay in ay ka danbeeyeen qaraxyadii ka dhacay magaalada Boston maalinimadii Isniinta.
Ciidamada amniga ee qabatay Dzhokar Tsarnaev ayaan u marin xuquuqihiisa sharci ee loo sheego ruux walba oo denbi loo qabto,Miranda warning.
Taladaa sharciyeed ayaa ku wergelisa eedeysaneyaasha xuquuqdooda ah in wax walba oo ay policeka u sheegaan loo isticmaali karo in lagu maxkamadeeyo iyo in ay xaq u leeyihiin in ay xaq u leeyihiin qareen,hadii aaney awoodina dawladu mid u qaban doonto.
Dooda haatan aloosan ayaa oraneysa in aanu shakhsigani u qalmin in xuquuqdaa la siiyo bacdamaa dawladu ay shaacisay in ay jirto khatar amni.
Halka dhanka kale lagu doodayo in isla FBIdu ay shaacisay qabashada ka hor in xaaladu caadi tahay balse taxadar looga baahan yahay shacibka Boston.
Intaas oo idil waxa kaba sii daraa kolkii ay John McCain iyo Lindsey Graham oo ka tirsan aqalka Senatka Mareykanka ay soo jeediyeen in Dzhokar Tsarnaev loo maxkamadeeyo sida askeri cadaw ah oo la qabtay.
Taas oo ka dhigan sharciyan in aanu eedeysanuhu yeelan doonin qareen ka difaaca eedaha loo soo jeedo.
Si kastaba ha ahaatee Doodan ayaa dadka shuruucda xiiseeyaahi ay il gaara ku heyn doonaan dhabaha ay xukuumada Obama qaadato.
SDN-Boston
contact@somalidiasporanews.com