|

Dood-Cilmiyeed Lagu Qabtay Xarunta Jaamacadda Magaalada Laascaanood – SAWIRRO.

Laascaanood,24Oct,2015(QJ/SDN)-Waxaa maanta lagu qbatay dood-cilmiyeed ku saabsan doorka ay ku leeyihiin dhallinyaradu horumarka bulshada xarunta Jaamacadda Nugaal ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Dood-cilmiyeedkan oo ay soo qaban-qaabiyeen ardayda dhigata kulliyada horumarinta bulshada ee jaamacadda Nugaal ayaa waxaa gacan gaystay guddiga horumarinta gobolka Sool ee Tala-wanaag waxaana kasoo qayb-galay qaybaha kala duwan ee kulliyadha jaamacada Nugaal.

Intii ay dooddu socotay waxaa lagu lafa-guray aragtiyo badan oo dhallinyaradii kasoo qayb qaadatay kulnkan ay soo jeediyeen, waxaana la is-weydaarsaday afkaar badan oo u muuqa-tay kuwa wax-tar u leh bulshada gobolka.

Sidoo kale, doodan ayaa waxay ahayd wajigii labaad ee ay soo bandhigaan ardayda dhigata kulliyadda horomarinta bulshada; iyadoo midkeedii koowaad la qabtay muddo isbuuc laga joogo, waxaana kulankii hore lagu falanqeeyay dhibaatada tahriibtu ku hayo dhallinyarada Soomaaliyeed soo koraya, gaar ahaan magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda.

Waxaa xusid mudan ee doodan cambaareyn loogu soo jeediyay warbaahinta ka hawlgasha magaalada Laascaanood oo aan soo gudbin arrimaha horumarka bulshada sida ay xuseen dhallinyaradii ka qayb-qaadanaysay shirkan.

Ugu dambeyntii, doodda ay ardayda ka qalin jabisay jaamacadda Nugaal soo bandhigeen iyo kuwa haatan dhigta kuliyadaheeda kuwa ka mid ah ayaa u muuqda kuwa wax-tar u yeelan kara mujtamaca deegaan mandaqadda.

 

 

Comments are closed