Doobab Reer Hargeysa ah Mudaharaad Guurka Qaaliyoobay Ay Kaga Cabanayaan Shalay Iskugu Soo Baxay
Hargeysa:Jully,23,2015(SDN/QJ)-Shacabka Caasimadda Hargeysa ku dhaqan, ayaa maalintii shalay ku warhelay Koox Dhallinyaro ah oo aqoonyahanno ah, kuwaas oo si weyn uga cabanaya Guur la’aan baahsan oo soo foodsaartay iyagoo arrintaas ku sababeeyey Guurkii oo si weyn u sii qaaliyoobaya.
Dhallinyaradan oo dhammaantood Wiilal ah, ayaa dhammaantood ah kuwa ka baxsan Balwadaha oo inta badan dhallinta Ragaadiyey, waxana ay mudaharaad salmi ah ku muujiyeen dhibaatada ka taagan Guurkii oo gabaabsi sii gelaya.
Dhallinyaradan oo gacmaha ku hayey Qoraallo kooban oo ay ku xardhanaayeen Erayo ay ku muujiyeen inay wali yihiin Doobab aan wax xaasas ah lahayn, waxana qoraalladaasu u dhignaayeen sidatan, “Weli waxaan ahay keli, Doob ama mid aan guursan” halka banaanbaxayaasha Guurdoonka ah uu ka dhex muuqday mid kali ku ah nolosha guurka kasoo laabta kusitay warqad ay ku xardhan tahay “Waan Guursaday”.
Hargeysa waa magaalo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn dhulka soomaalidu degto, dadka ku noolina rag iyo dumar waxaa tirokoobyo dhawaan lagu sameeyey lagu qiyaasay in %57 ay dhalinyaro yihiin, balse dhibaatada taagan ayaa ah inaanay si fudud u guursan karin.
Dhallinyarada Somaliland ayaa marka laga yimaaddo dhibaatada ka Haysata Xagga Guurka waxa ay ka cawdaan Shaqo la’aan, iyagoo si weyn isugu taxalujiya inay Waxbarashada heer sare ka gaadhaan.
Calal la’aanta da’yarta Somaliland, ayaa keentay inay tahriibka miciinsadaan Boqolaal Aqoon yahan oo shaqo la’aani ku habsatay, waxana taas usii raaca iyagoo guurkii lagu adkeeyey, amaba aanay sababo dhaqaale u tahli Karin inay helaan Hablaha dhiggooda ah ee ay calmadaan.
Maaha mid cidina indhaha ka lalin karto sida xaqiiqadu tahay ee taariikhda markii u horeysay dhulka soomaalida keentay sababta Banaanbaxayaal Guurdoon ah oo weliba dhanka Labku ay sameeyaan.
Magaalo-weynta Hargeysa dhanka guurka waa ka gooni in badan oo kamid ah gobolada Somaliland, halka Somaliya inteeda kalena ay kala yihiin hargeysa kaaf iyo kala dheeri.
Hablaha hargeysa dhinaca guurkooda inta badan dhigooda ama wiilasha qayrkooda ahi kolka aad la sheekaysato waxa ay kuu sheegayaan inay adag tahay iyagoo u nisbaynaya dhinaca Dhaqaalaha.
Abdirashiid Danab waxa uu kamid yahay dhalinyarada aqoonta qaniga ka ah sidoo kale waa hal abuur, waana guurdoonayaasha maalintii shalay banaanbaxa sida weyn uga dhex muuqday, waxana uu dareenkiisa ku cabiray sidatan,
“ hal dhib oo keliya ayaa jirta guurku waa xulasho wakhtigeeda leh, waxbarasho heer wacan baan ka gaadhay, shaqona rajo naawil baan ahay, hase ahaate hammadayada guurka iyo rabitaankeeda ayaa ah kan aniga iyo saaxiibaday dibada noo soo saaray, xiligan jacaylka iyo dookha guurka xalaasha ahi waxa uu ku xidhan yahay, Cadadka meherka, Qiimaha Gabaatiga, Agabka guriga, Huteelka arooska iyo wax kale oo badan oo aan halkan kuugu soo koobi karayn, waxaana ka gadhwadeen ah waalidiinta oo had iyo jeer wiilka gabadha guursanaya aan u eegayn muxuu bartay iyo maku filan yahay nolosheeda ilaa diinteenu waxay qabto, balse markasta isbarbardhiga Gabadh calafku ku daray wiil aabihii Tabcaday maal aad u badan iyo nolosha ay ku nooshahay, markaa saaxiib banaanbaxan way nagala fursan wayday inaanu ku muujinayo dareenkayaga”.
Sanadba sanadka kasii dambeeya guurku waa sii yaraanayaa, dhibaatada guur la’aanta iyo halisteeda waa mid sii kordhaysa oo halis dhalintu lab iyo dhedigba ugu jiraan gelitaanka beeraha Libaaxa.
SDN/QJ