|

Donald Trump oo u Hanjabay Kuuriyada Waqooyi & Nuxurka Kulan uu Aqalka Cad kula yeeshay Madaxweynaha Masar

Washington 05. April 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, ayaa tilmaamay in dalka Maraykanka oo keliya uu u diyaar-garoobi doono sidii uu tallaabo uga qaadi lahaa khatarta Hubka Nukliyeerka ah  ee uu dhawaanahan tijaabinayey waddanka Kuuqiyarada Waqooyi kaga imaan karta Dunida.

Trump oo waraysi siiyay Wargeyska The Financial Times ee ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa laga soo xigtay isagoo leh; “Haddii Shiinuhu uu xallin kari waayo arrinta Kuuriyada Waqooyi taasi waxay noqonayso in Maraykanku uu faraha la galo arrinta.”

 

Tijaabadii Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi bishii dhammaatay sameeyey, ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan Madaxweynaha Mareyknaka iyo Dhiggiisa dalka Shiinaha Xi Jinping ka hor kulanka toddobadkan ka dhacaya gobolka Florida ee waddanka Maraykanka.

 

La-taliyaha dhinaca Ammaanka ee Madaxweyne Trump, ayaa haatan ku howlan sidii uu u dhammaystiri lahaa talooyin dhawr ah oo ku aaddan xaaladda Kuuriyada Waqooyi ka hor inta aanu Trump Safarkiisi ugu horreeyay ku tagin qaaradda Aasiya.

Xoghaya arrimaha dibedda ee Mareykanka Rex Tillerson, ayaa isna waxaa uu dhankiisa sheegay in Siyaasaddii reer Galbeedka ee Kuuriyada Waqooyi ay guul-darraysatay 20-kii sano ee la soo dhaafay.

 

Horraantii sannadkii hore ayey ahayd markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeey ay si wada-jir ah u cambaareeyeen dawladda Kuuriyada Waqooyi oo xilligaa tijaabisay Gantaallada riddada dheer. Waxaana Xukuumadda Pyongyang oo dhawr jeer tijaabisay gantaalo nukler ah, lagu eedeeyay inay faraha kula jirto qorshe halis ah oo aad u xun oo dunida dhibaato ku soo kordhin kara haddaan wax laga qaban.

 

Hase-yeeshee, dawladda Kuuriyada Waqooyi, waxay dhankeeda ku doodday in tijaabada Gantaallada ay qeyb ka tahay Barnaamijkeeda hawada iyo naaxinta Macdanta Yuraaniyoonta ee Nukliyeerka laga curiyo.

 

Geesta kale, Madaxweynaha Maraykanka Mr. Trump, ayaa Aqalka Cad kulan kula yeeshay Madaxweynaha waddanka Masar Cabdifataax Al-Sisi oo ku sugan magaalada Washington ee Caasimadda dalka Maraykanka, kaas oo noqonaya Madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ama Carab ah ee la kulma Madaxweyne Trump tan iyo markii uu xilka qabtay 20-kii Janaayo 2017.

 

Madaxweynaha Masar Cabdifataax Al-aSisi, ayaa sidoo kale ahaa Madaxweynihii u horreeyay ee Afrikaan ah ee la hadla una hambalyeeya Trump ka dib markii uu si layaableh ugu guulaystay doorashadii Madaxtinimada ee dalka Maraykanka.

 

Wadahadallada nabadda ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil ayaa ka mimd ah waxyaabaha ay ka wadahadleen labada Madaxweyne iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka ee Daacish, sida ay ku warantay Wakaaladda wararka ee Reuters.

Comments are closed