|

Donald Trump oo si adag uga hadlay wararka sheegaya in sirdoonka Ruushka ay isaga sir ka hayaan

Washington 13. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa laamaha sirdoonka dalkiisa ku eedeeyay dusinta eed ah in Ruushka ay asiga waxyaabo kala hadleen ayna ka hayaan sir muhiim ah oo isaga ku saabsan.

 

Wuxuu ka hadlayay eedo aan weli la cadeyn oo ah in kooxdiisa doorashada u qaabilsaneyd Ruushka uu ku dhexdhuuntay.

 

Donald Trump ayaa qabtay markii ugu horeysay doorashadii dalkaasi ka dib shir jaraaid oo ku soo beegay saacado kadib markii qaar ka mid ah saxaafada ay shaaciyeen xog ku aadan xiriirka ka dhaxeeya Trump iyo Ruushka.

 

Trump ayaa caradiisa kula dhacay warbaahinta CNN oo shaacisey xog sheegaysa in Ruushka uu sir badan ka hayo isaga taasina keentay inuu u debecsanaado.

 

Eedaymaha waxaa kaloo ay ku saabsan yihiin in la haayo muuqaallo fadeexad ah oo ku saabsan noloshiisa gaarka ah.

 

Sirdoonka Mareykanka ayaa arrintaasi u qaatay si dhab ah ka dib markii Trump uu ka meer meeray inuu aqbalo warka ay soo saareen ee sheegaya in ruushku fara gelin ku sameeyey doorashadii dalkaas ka dhacday.

Comments are closed