|

Donald Trump iyo Jacob Zuma, kala Duwanansho iyo isu Ekaansho (Faallo)

Cap town , 16 May, 2016-(SDN/QJ) :–Mudadii bilaha ahayd ee u dambaysay labo ka mid ah hogaamiyayaasha siyaasadda ee  caalamka ka dhaliyey muranka faraha badan oo kala ah Donald Trump iyo Jacob Zuma ayaa la kulmay cadaadis badan oo kaga yimid wararka iyo warbixinaha ay saxaafadda caalamku ka tebinaysay ama ka baahinaysay labadaasi siyaasi.

 

kala duwanaanshoFaaladan oo uu qoray Lyn Snodgrass, oo ka tirsan Nelson Mandela Metropolitan University ayaa waxa lagu sheegay in Donald trump oo ah nin caddaan ah uu yahay musharaxa suurogalka ah ee xisbiga jamhuuriga u meteli doona tartanka aqalka cad ee dalkaasi maraykanka, xilli uu Jacob Zuma yahay nin madow oo ah madaxweyne dagaal siyaasadeed ugu jira gudoomiyanimada Xisbiga ANC ee haya talada dalka K/Afrika.isaga oo ku soo shaacbaxaya ku dheganaanta xukunka oo uu u marayo halhayskiisa horumarinta Dimuqraadiyadda.

Dhabbaha ay labadan nin u marayaan awoodda siyaasadeed ee wadamadooda ayaa loo arkaa in aanay wax dheeraad ah ku kala duwanayn. Inkastoo hadana Trump uu yahay aqoonyahan jaamacadeed iyo ganacsade hantiile ah oo sidaana uu kaga duwanaanayo marka la dhinac dhigo Jacob Zuma oo ah nin bulshada caadiga ah ka mid ah oo ,ku soo kifaaxay nolol faqiir ah .halgan dheerna u soo maray hogaaminta ANC iyo ta K/Afrikaba, isla markaana leh aqoon yar oo tacliimeed.

Labadan nin waxaa suurogal ah inay wadaagaan ama iskaga mid yihiin arimaha qaarkood, labadooduba waxay ka soo farcameen taageero dadweyne oo ay kaga soo baxeen dadka dhexdiisa, xilli ay labadooduba aaminsan yihiin mabda’a ah in raggu ay ka sareeyaan haweenka,.

Labadooduba waxa ay aaminsan yihiin in waxa qofku aamisan yahay ay baro dheer tahay shaqsiyadda, qowmiyadnimada, dhaqanka iyo qaab siyaasadeedkaba.

Maraykanka oo ku caalaamadsan in uu yahay mid ka mid ah wadamada ugu horumarsan dhanka dimuqraadiyada waxa u suurogashay in Donald Trump uu caan ku noqdo cayda haweenka, isaga oo xitaa caayey xaaska ninkii kula tartamayey musharaxnimada Mr Ted Crus.

Dhowaan markii uu noqday musharaxa keliya ee Xisbiga Jamhuuriga waxa uu la soo baxay siyaasadda loo yaqaano “Qaybi oo Xukun” si uu haweenka dalka Maraykanka uga soo reebo Hillary Clinton, isaga oo sheegay in Hillary Clinton kaadhka keliya ee ay u haysato tartanka Madaxweynanaimadu uu yahay haweenka, waxa kale oo muran weyni ka dhshay aragtidiisa ku aaddan haweenka iska soo rida ilmaha

 

Dhankiisana Jacob Zuma waa nin qabiilayste ah oo dhaqan qabiileedka ku adag, waxana uu leeyahay taariikh dhanka haween nacaybka ah oo la mid ah ta Donald Trump. Dacwadii sanadkii 2006 lagu soo oogay Jacob Zuma ee ku saabsanayd dhanka kufsiga pp markii dambe lagu waayey waxa iska difaacidiisii kiiskaa ka mid ahaa in sida ragga kale ee Qabiilka Zulu oo kale aanu isaguna ka dhergin haweenka.

Gudiga dhanka jinsiyadaha labka iyo dheddiga ee dalka koonfur Afrika ayaa diiwaangeliyey Mr Zuma oo sheegaya in hablaha wadankiisu ay noqonayaan dhibaato bulsho oo weyn hadii aanay degdeg u guursan, hadaladaas oo ay dhowaan mucaaradku ku dhaliileen

Dhowaan ayay ahayd markii Zuma sheegay in uu jeclaan lahaa in uu in badan amaano haweenka laakiin uu ka shaki qabo in xiligan casriga ah ay amaantu dhibaatayso haweenka oo sida uu sheegay aan haysan rag wanaagsan iyo guur toona.

 

Inkastoo hadaba labada hogaamiye siyaasadeed ee ku kala nool labada dacal ee adduunka ay meelaha qaarkood iskaga mid yihiin sida nacaybka iyo ixtiraam la’aanta haweenka ayaa hadana arintu marka ay marayso xisbiyadooda gudihiisa waxay taageero balaadhan ka helaan dumarka. Iyadoo Donald Trump uu ka faa’iidaystay cududa haweenka taageera Xisbiga jamhuuriga,sidaas oo kalena Jacob Zuma uu ku tiirsan yahay taageerada garabka haweenka  ee Xisbiga ANC oo ah garabka siyaasadeed ee ugu saamaynta badan xisbigaa dhexdiisa.

Arimaha kale ee ay labadan hogaamiye siyaasadeed iskaga midka yihiin waxaa ka mid ah in mid kasta oo labadooda ka mid ah ay u dhowdahay in uu tartanka Madaxweynanimada kula tartamo gabadh musharaxad ah, tusaale ahaan Donald Trump waxa uu u dhow yahay in uu tartanka aqalka cad la galo Hillary Clinton oo hadii ay guulaysato noqon doonta gabadhii ugu horaysay ee Madaxwene ka noqota Dalka Maraykanka, talaabadaas oo soo gebagebayn doonta 227 sanadood oo ay raggu soo hogaaminayeen dalkaasi.

Dhankiisana Jacob Zuma waxa uu tartanka gudoomiyanimada Xisbiga ANC la geli doonaa Nkosazana Dlamini Zuma oo xiligii ay gudoomiyaha ka ahaaan lahayd ururka Midnimada Afrika ay ku eg tahay Bisha Julay ee sanadkan, xiligaa ka bacdina u tafoxaydan doonta sidii ay u hogaamin lahaa ANC ka dibna K/Afrika, iyadoo Mss Dlamini Zuma oo ah xaaskii hore ee Jacob Zuma ay lafteedu dhigi doonto taariikh la mid ah ta Hillary isla markaana gudoomiye ay ka noqoto Xisbiga ANC uu soo afjari doono muddo 104 sanadood ah oo ay raggu soo hogaaminayeen ANC.

Arinta kale ee in la xuso mudani waxa ay tahay in Hillary Clinton iyo Dlamini Zuma ay labadooduba noqdeen xaasaska labo madaxweyne, ixtiraamna ku dhex leeyihiin wadamadooda.

Comments are closed