DKMG oo sheegtay in Shabaab ay go’aamiyeen ciribtirka Culumada Somaliyed
Muqdisho Dec 08,2011(qurbejoog.com) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkii dhawaan Ururka Al Shabaab ugu soo gaba gaboobay Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay diiradda lagu saaray sidii loo layn lahaa Culumaa’udiinka iyo Waxgaradka Soomaaliyeed.
Wasiirka cadaaladda iyo garsoorka ee Xukuumadda KMG Soomaaliya Axmed Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in shirkii dhawaan Shabaabku ay kusoo gaba gabeeyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Bay lagu go’aamiyay in lagu ciribtiro Culumada iyo Waxgaradka Soomaaliyeed.
Axmed Xasan ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in Odaayaasha ka qeyb galay shirkaasi ee aaminsan afkaarta Al Shabaab ay yihiin kuwo go’aamiyay dilka Culumada, waxaana uu tilmaamay inay kasoo horjeedaan Umadda Soomaaliyeed kuwooda aqoonta leh.
Wasiirka ayaa waxaa uu tusaale usoo qaatay qaraxii ka dhacay Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha ee Magalada Muqdisho kaasi oo lagu laayay dad rayid ah iyo arday doonaysay in Jaamacado ay u aadaan dalka Turkiga, iyadoo arintaasi lagu sifeeyey in Shabaabka ay ka yaraadeen dhalinyaradii u dagaalami jirtay.
Kooxda Al Shabaab ayaa lagu eedeeyaa in mar waliba ay weeraraan dadka waxgaradka ah iyo Culumada Soomaaliyeed, iyadoo ugu dambeysay dil Magaalada Boosaaso loogu gaystay Wadaad caan ka ah Soomaaliya kaasi oo Maamulka Puntland ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan Ururka Al Shabaab.
Qurbejoog-Muqdisho