Djibouti Oo Markale Xidhatay Xadka ay La Leedahay Somaliland Iyo Meehanowga Shacabka
Saylac:Feb,22,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Djibouti ayaa markale xidhatay Xadka ay leedahay Somaliland, kadib markii uu Maalintii jimcihii Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasoo lagu laaayey Siyaasiyiin tiro badan.
Mukhaadaraadka Dalka Djibouti, ayaa Dawladooda ku wargeliyey inay Khatar ammaan kaga soo fool leedahay Dhinaca Somaliland, taas oo sababtay inay xidhaan Xadkaas oo dadka deegaanka Saylac ka heli jireen Noloshooda dhaqaale.
Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Badhasaabka Gobolka Salal, ayaa maanta saxaafadda la hadlay waxaanu xaqiijiyay in xadhiga xuduudku la xidhiidho tuhunno Argagixiso “Xidhista Xadka waanu ka wada soconnaa Dhinaca Jabuuti iyo Dhinaca Somaliland-ba. Waa laga wada socdaa, Wasiirka Daakhiligu waa la socdaa, warar baa jira la leeyahay waxbaa jira, markaas labada dhanba feejignaan baanu galnay” ayuu yidhi Badhasaabku
Badhasaabku waxa uu sheegay in hakadka maalintii labaad maraya ee Xuduudku saamayn ku yeeshay Bulshada Reer Somaliland ee Gobolkaasi Salal “Caanaha laga qaado halkan waxaa la geeyaa Jabuuti shalayna way hakadeen, furinka iyo Khudaarta lagu quuto Saylacna waxaa laga keenaa Jabuuti, shalayna way yara hakadeen, taasina noqon mayso mid sii socota insha Allah” ayuu yidhi Badhasaabku.
Wasiirku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa in muddo ah ku sugan Jabuuti, balse waxa uu Badhasaabka Salal sheegay inuu Wasiirku dano gaar ah u joogo halkaasi arrintanina dabadii soo baxday.
Hore ayey Djibouti sidan oo kale ugu xidhatay Xadka ay la leedahay Somaliland, waxana Arrintaasi si xoog ah u saamaysay Nolosha Dadka xadka ku dhaw iyo Gadiidleyda Labada dal iskaga kala gooshta, taas oo aakhirkii lagu furay Shuruudo culus oo ilaalada Xadka somaliland la faray.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com