|

Djibouti Oo La Sheegayo Inay Somaliland Ka Dalbatay Faahfaahin la Xidhiidha Dadkii Qaraxa Ka Fuliyey Dalkeeda

Djibouti:June,04,2014(SDN/QJ)-Dawladda Dalka Djibouti, ayaa ayaa Faahfaahin dheeraad ah ka dalbatay Somaliland, kadib markii laba Qof oo isku qariyey Dalkaasi la sheegay inay ka tageen Somaliland.

xieeeMagacyada Labada Qof ee Qaraxa Fuliyey oo lagu kala sheegay Muuse Rooble Hirad iyo Hodan Maxamed Ciise, ayuu xeer ilaaliyaha Guud ee Dalka Djibouti  sheegey in ay Jabuuti ka soo galeen dhanka Hargeysa, Tallaabadaasna uu fududeeyey mid ka mid ciidanka dalkaasi oo haatan xabsiga ku jiraa.

Xukuumadda Jabuuti ayaa la sheegayaa in ay si rasmi ah Somaliland uga dalbatey in ay u soo gudbiyaan waxa ay ka ogyihiin labadan qof,  joogitaankoodii Somaliland iyo sida ay uga soo gudbeen Somaliland, balse wali nama ay soo gaadhin wax qoraal ah Djibouti arrintan kaga codsatay somaliland.

Guddoomiyaha Xisbsiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi  ayaa isaguna  qiray in dadkaasi ay Somaliland muddo joogeen, wasiirka arrimaha Gudahana looga Baahan yahay inuu arrintaas meel saaro.

 

Kadib qaraxii u horeeyey ee noociisu ahaa kan ismiidaaminta ee ka dhaca Jabuuti, ayaa xukuumadda Jabuuti si weyn adkeysey amaanka xuduudaha gaar ahaan kan ay la wadaagto Soomaaliland.

 

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey in uu ka danbeeyey qaraxii ka dhacay maqaaxida ku taaleyJabuuti dhamaadkii bishii hore ee  (May), waxaana ay sheegeen in uu ahaa mid qorsheysan oo ay ka wada fulin doonaan dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

 

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa haatan ku mashquulsan sidii uu u heli lahaa macluumaadka dadkaasi, waxana socda Baadhitaano lagu xaqiinayo sidii ay dadkaasi Somaliland uga Baxeen iyo waliba Meelihii ay sii  mareen.

Ma Fududa in la helo  ama la xaqiijiyo in dadkaasi ay Somaliland ku noolaan jireen iyo waliba sidii ay iskaga qabanqaabiyeen  dhinaca Somaliland.

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed