|

DJibouti: Baarlamaanka Oo Isku Khilaafay In Tacsi Loo Dhigo Dadkii Ku Geeriyooday Dhacdadii Dalkaasi Dhawaan Ka Dhacday {DHAGEYSO}

DJibouti,30Dec,2015(QJ/SDN)-Xildhibaanada Isbahaysiga Mucaaradka ah ee Djibouti ee USN ayaa ka baxay fadhigii loo dhamaa ee golaha Baaralamanka Djibouti ay isugu yimaadeen.

Xildhibaanadan ayaa sheegay in sababta fadhigaasi ay u qaadaceen ay tahay iyada oo Siday Hadalka U dhigeen laga horjoogsaday inay faataxada u maraan dadkii ku geeriyooday rabshadihii Jabuuti ka dhacay todobaadki hore.

Rabshadahaas ayaa waxaa dowladda ay sheegtay in lagu dilay 7 qof, balse mucaaradka ayaa sheegay in lagu dilay 19 qof oo loo beegsaday aragtidooda siyaasadeed dartood, sida ay hadalka u dhigeen.

Ducaale Cige Coofle, oo ka mida xildhibaanada mucaaradka, ayaa idaacadda Codka Maraykanka ee VOA-da u sheegay in xukuumadda ay isku dayeyso in dhibkii dhacay ay ka dhigto mid aan waxbo ahayn.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Eedaha Mucaaridka Jabuuti:

 

Dhinaca kale, waxa eedaymahaasi xildhibaanada Mucaaradka ah beeniyay Xildhibaan Maxamed Yuusuf Qumane oo ka tirsan isbahaysiga talada haya ee UMP, waxaana uu ku eedeeyay xidlhibaanada Mucaaradku inay sugi waayeen furitaanka rasmiga ah ee fadhiga oo ay ka hordhaceen.

Halkan Hoose Ka Dhagayso Muxaafidka Jabuuti Oo Iska Difaacday Eedaha Mucaaridka;

Comments are closed