Diyaaradda Qatar Airways oo Weli Si Caadi ah u Isticmaalaysa Hawada Somaliland ee Laga Mamnuucay,Wasaaradda Duulista oo Ku Fashilantay in Ka Keenaan Xog Rasmi ah & Duulimadyadii u Danbeeyay ee Qatar Airways Halkay Ka Yimaadeen Kuna Socdeen
Hargaysa 13. June 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ku fashilantay in ay hor istaagto duulimaadyada ay sameynayaan diyaaradaha Qatar Airways oo si caadi ah u isticmaalaya hawada Somaliland ka dib markii Xukuumadda Somaliland ay maalintii doraad ku dhawaaqday go’aamo ay sheegtay in ay xidhiidhka ugu jartay dawladda Qatar sida oo kale na ay kaga digeyso in hawada Somaliland aanay soo mari karin cid aan oggolaanshiyo ka haysan dawladda Somaliland.
Diyaaradaha Qatar Airways, ayaa la soo sheegayaa in illaa shalay ay tira ba sideed goor isticmaaleen hawada Somaliland, waxaana ay arrintani u muuqataa mid dawladda Qatar ay gabbood kaga helayso dawladda Xamar oo ay isku haleynayso isla mar ahaantaana aanay waxba iskaga tirineyn Xukuumadda Somaliland.
Tusaale ahaan Habeenkii Xalay Waxay Diyaarada Qatar Soo Gashay hawada Somaliland gaar ahaan Caasimadda Hargaysa ilaa afar Jeer, waxaanay muddo saacad ka yar oo u dhaxaysay 12:30 illaa 1:15 habeenimo maray duulimaadyadan:
1- QTR-1331 oo ka timmi Doha kuna sii jiiday Khartuun
2- QTR-1408 – oo ka soo kicitintay Los Angles Maraykanka, una socotay Doha
3- QTR-1360 waxay ka timid Johannesburg waxaanay u socotay Doha
4- QTR-1438 waxay ka timi Jabuuti, Itoobiya waxaanay ku socotaa Doha.
Wasaaradda Duulista Somaliland iyo weli ba madaxda kale ee dawladda, ayaa muquurtay in ay arrintan ay kala hadlaan Warbaahinta si wax loogga weydiiyo sababaha fashilka ku keenay go’aanadii doraad ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland iyada oo si gaara wararku u tibaaxayaan in illaa hada aan wax xoggo ah oo rasmi ah isla jeerkaas na ku saabsan socdaalada kala duwan ee diyaaraddaasi aan laga haynin wasiirkii shaqadiisu khuseysay ee Duulista iyo Hawada Somaliland.