Diyaaradda Qatar Airways Oo Kaalinta Koowaad Ka Gashay Diyaaradaha Caalamka Laga Adeegsado Iyo Sabaha Halkaas Gaadhsiiyey
Doha:April,16,2015(SDN/QJ)-Diyaaradda Waddanka Qadar ee Qatar Airways, ayaa Kaalinta Koowaad kag gashay Wanaagga Diyaaradaha dunida laga isticmaalo ee la isku hallayn karo, kadib cilmi-baadhisyo kala dambeeyey oo la sameeyey.
Sababta ugu weyn ee Diyaaraddani kaalintaas ku gaadhay, ayaa lagu sheegay inay tahay ilaalinta waqtiyada duulimaadyada diyaaradaheeda casriga ah iyo qiimaha lagu raaco oo raqiis ah.
Ma aha oo kaliya inay ugu sara martay baadhitaan ay sameysay WanderBat balse waxaa ay Qatar Airways darajadeeda ay gaadhay 100 qiimeyn lagu sameeyay 22-ka shirkadaha diyaaradaha ee caalamka ugu wanaagsan.
Saddexda shirkadaha diyaaradaha ugu wanaagsan caalamka ayaa laba ka mid ah waxa ay noqdeen kuwo laga leeyahay wadamada Khaliijka iyadoo Emirates ay gashay kaalinta labaad iyadoo ka hooseysa 3 dhibcood oo kaliya halka ay isku derejo yihiin Eastern China.
Hase ahaatee dalalka Maraykanka iyo Britain ayaa aad uga hooseya wadamada khaliijka waxaana British Airways lagu qiimeeyay kaalinta siddeedaad halka kaalinta 17-aad ay sooo cidhiidhsatay SouthWest Airlines oo laga leeyahay dalka Maraykanka.
Qiimeyntan ayaa shirkaa diyaaraaha ee Ethiopian Airlines ay noqotay tan ugu wanaagsan wadamada ku yaal qaarada Afrika iyadoo lagu qiimeeyay kaalinta lixaad halka shirkada EgyptAir ka gashay kaalinta 14aad.
SDN/QJ